Xubno ka tirsan Beeralayda Dalka oo Waxbarasho looga bilaabay Jaamacadda Camuud si ay u tabobaraan Beeralayda kale

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Afartan xubnood oo ka kala socda Beeralayda Dalka ayaa tabobar cilmiyeysan oo soconaya muddo saddex bilood ah looga bilaabay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, waxaanay xubnahani marka ay Waxbarashada Dhammaystaan ay tabobar siin doonaan Beeralayda kale ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) oo Xubnahan tabobarka u furay, waxa uu sheegay in tabobarkani yahay kii ugu ballaadhnaa ee ay u qabtaan beeralayda dalka isla markaana looga dan leeyahay in marka ay waxbarashada dhammeystaan ay duruusta u gudbiyaan beeralayda kale ee waddanka isla markaana ay qaadan doonaan culuum la xidhiidha habka wax loo beero.

Tabobarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO, waxaana fulinaysa Kulliyadda Beeraha iyo Deegaanka ee Jaamacadda Camuud.

Wasiirku wuxuu u mahad celiyay Ha’yadda FAO oo uu xusay inay wasaaradiisa ka taageerto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta aasaasiga ah ee beeralayda dalka.

Md. Faarax Geedoole wuxuu sheegay in haddii dedaal ay sameeyaan beeralayda dalku ay kor u qaadi karaan tacabkooda beeraha. Waxaanu u soo jeediyay inay ku dedaalaan khudaarta si looga maarmo khudaarta dalka uga timaadda dalalka dariska.

Sidoo kale waxa ka hadlay xafladii loo sameeyay furitaanka tababarkan Maayarka degmadda Garbo-dadar ee gobolka Awdal Cabdi Cabdilaahi Hindi oo ka waramay baahida loo qabo in xirfadda beeralayda kor loo qaado, waxaanu Wasaaradda Beeraha u soo jeediyay inaanay 40-kan xubnood marka ay dhamaystaan tababarka aan la sii dayn ee ay hawl-geliso wasaaraddu.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed ayaa isna sheegay in tababarkani uu yahay kii u horeeyay ee ay u qabtaan beeralayda waxaanu sheegay inay siin doonaan Manhaj dhamaystiran oo ku wajahan mihnadda beeraha.

Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha C/Laahi Ismaaciil Faarax iyo Hormuudka Kulliyadda beeraha iyo deegaanka Jaamacadda Camuud Prof. Abubakar Sh. Cabdi iyo Maxamed Saalax oo ka socday Ha’yadda FAO, waxaanay dhammaantood ka hadleen faa’iidada tababarkan. Waxaanay ka qeyb galeyaasha ku booriyeen inay ka faa’iidaystaan.

SLpost News

Somalilandpost@live.com