Xubno Hore Ugu Fashilmay Masiirkooda Siyasadeed Oo Ku Biiray Xisbiga WADDANI

Hargeysa (SL.Post) Xubno siyaasiyiin reer Somaliland ah oo hore ugu soo fashilmay misiirkooda siyaasiga ah, ayaa maanta la midoobay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

5_fotor

Xubnahan ayaa waxa ka mid ah Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdihii sannadihii u dambeeyay laga yagleelay Muqdisho, kaas oo dhawaan dalka yimi islamarkaana sheegay inuu ka noqday mabdi’iisii Soomaaliweyn, Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), Cali Maxamed Ibraahim (Cali-Sanyare) oo ahaa Wasiirkii qorshaynta qaranka ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, islamarkaana muddooyinkii u dambeeyay aan meelna lagu arkin barnaamijyadiisa siyaasadeed, Cabdiraxmaan Jaamac Turwaale oo xil Wasiirnimo ka soo qabtay Somaliland, Rashiid Jaamac iyo xubno kale.

 

Xisbiga WADDANI ayaa xubnahan maanta u qabtay munaasibad ay ku sheegeen mid soo dhaweyn ah oo nuxurkeeda lagu sheegay inay xoojinayso cududooda mucaaradnimo.

 

Somalilandpost.net