Xubno Hordhac u ah Wefti Ballaadhan oo Dawladda Sweden Metelaya oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxawayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Sweden iyo xubno kale oo muhim ah.

IMG_0006Weftigan ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay hawlaha ay ka shaqeeyaan dalka Sweden ee ku saabsan wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhinacyada badan leh ee xukumada Jamuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dadaalan masuuliyiinta dalka sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan xaalada dalka, dad faro badan oo reer Sweden ah oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax wayn kala qabteen sidii dawlada Sweden loo siin laha xogo-dheeraad ah oo ku saabsan qarankan Somaliland, waxa kaloo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee waftigaasi ka mid ka ahaa.

Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa waftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay dadaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan madaxwayne ku xigeenku waxa uu xusay in dadka reer Somaliland ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane uu xil wayni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dadaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto aya ugaga warami lahayd dalkooda halka uu marayo iyo dadkooda waxay qabsadeen.

IMG_0004Weftigani waxay sheegeen in ay hordhac u yihiin wafti culus oo dawlada Sweden ka tirsan oo bisha September iman doona dalka.

SOMALILANDPST.NET