Xubnihii xisbiga Wadani ee uk oo iscasiley

London 07March13 (SLpost) xubnihii uk ee xisbiga wadani ee uk ayaa nooloo xaqiijiyay in dhamaan ay iska casileen xilalkii ay hayeen ka dib khilaaf culuso oo labadi garab ee ummada iyo wadani uu ka dhex taagnaa laantiisa UK.khilfkan oo uu soo kala dhax galay Gudoomiyaha Xisibiga wadani aya waxa uu goansaday in garabkii ummada lagu wareejiyo xilalkii ay hayeen dhamaantood iyaga oo Gudoomiyahii Ummada loo magacabay gudoomiyaha uk . Khilaafkani oo laba garab u kala jabiyay xisbiga Waddani UK, oo in mudo ahba soo jiitamaayay ayaa ku dhamaaday in xubno badan oo Wadani UK-ahi ay iskaga dareeraan kuwaasi oo ay ku jiraan gudoomiyahii xisbiga Waddani iyo ku xigeenkiisii oo iyagu shalay xilkaasi iska casilay, Khilaafkan iyo burburkani ku yimid xisbiga Waddani ee UK- ayaa xubnaha iskaga tagay xisbigaasi ay ka mid ahayeen Eng:Cabdilaahi Camey iyo Afhayeenkii Xisbiga wadani , garabkii wadani ee uk ayaa la filayaa inay xilalka wareejiyaan Bisha 09/13 taas oo lagu casumay saxafada Madax banaan .