Xubnaha mucaaridka ah ee UDUB oo naqdiyey Safar Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti la socdaa ku marayaan gobollada Bari

Hargeysa, 07 Feb, 2012 (SLpost)- Xubno ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo khilaaf hadheeyey tan iyo bilawgii sannadkan, ayaa socdaal Guddoomiye Ku-xigeenka, ahna ku-simaha Guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti uu hoggaaminayaa ugu kicitimeen Isniintii (dorraad) gobollada Bari ee Somaliland, waxay ku tilmaameen safar kooxeed.

Xubnahaas oo maanta shir jara’aid ku qabtay xarunta UDUB ee Hargeysa, waxay Taageereyaasha Xisbiga UDUB ku war-geliyeen inaanu Axmed Yuusuf Yaasiin matali karin bahweynta Xisbigooda. Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Siciid Sulub oo halkaasi ka hadlay ayaa ku eedeeyay Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin inay socdaal kooxaysan oo aanu xisbigu u dhamayn ay ku tageen Berbera, waxaanu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa laba qodob oo kala ah safarkan uu gudoomiye ku xigeenku uu ugu baxay in uu yahay safar kooxaysan, qodobka kalana waa gudoomiyihii xisbiga oo imanaaya qoladaasina ay u banaysay anaguna inaan u diyaar garoobayno soo dhawayntiisa hadii alle idhaahdo lixda gobolna waxaan leeyahay cidii soo gaadhi karaysa ha ka soo gaadho.”

Siciid Sulub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Bah-weynta saxaafaddaay waxaan maanta dooneynaa inaan idin sheego waxoogaa khilaaf ah oo xisbiga baryahan danbe soo kala dhex galay, waxaana aan isku daynay inaan dawayno oo aan qarsanno intaannu qarin karno, laakiin waannu qarsan kari waynay waanu soo baxay. Kilaafkan ninkii noogu odaysanaana ayaa abuuray.”

Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Ku-simaha Xoghayah guud ee Xisbiga UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse. “Waxaan maanta halkan isugu nimi in aan beeninno safar uu gudoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf iyo xubno afar ah oo ka mid ah golaha fulinta ku tagay gobolada bari inaanu matalin safarkaasi bah-weynta xisbiga UDUB. waxaana balanku uu ahaa in iyada oo loo dhan yahay gobolada loo baxo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdixaliim Maxamed Muuse.

Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada iyo Wasiirkii hore ee qoyska iyo arrimaha bulshada Faadumo Suudi Xasan, oo halkaa ka hadlay, ayaa labadoodu-ba si kulul u naqdiyay Axmed Yuusuf Yaasiin iyo safarkiisa oo ay ku tilmaameen masuul xisbigiisii kala qeybiyay oo garab isaga taabacsan samaystay. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Axmed Maxamed Filan-waa, ayaa isaguna halkaa ka hadlay ayaa eedaymo kuwa kor ku xusan la macno ah u jeediyey ku-simaha Guddoomiyaha UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaas.

Xubnahani waxay shirkaa jaraaid ku sheegeen inuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB uu dalka ku soo laabanayo toddobaadkan aynu ku jirno, iyaga oo hore u sheegay inuu 5-ta bishan iman doono, balse aan imannin.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net