Xubnaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadeed oo la filayo inay Barri Mudanayaasha Wakiilladu kala reebaan

Hargeysa, 25 September, 2011 (Ogaal)- Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadeed uu dhawaan u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inay maanta hortagaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan oo ay uga helaan codka kalsoonida Guddinimadooda oo sharci ahaan Goluhu awood u leeyahay inuu meel-mariyo amaba diido.
Guddigan oo uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay ayaa ka kooban toddoba xubnood oo qaarkood Bulshadu si weyn saluug uga muujisay kalsoonida lagu qabi karo inay Ururro-siyaasadeed diiwaan-gelintooda masuul ka noqdaan oo iyaga loo daba-fadhiisto, halka xubnaha qaar dadka qaar si fiican uga qanceen.
Hase ahaatee, Guddinnimadoodu kuma xidhna walaaca bulshada qaybo ka mid ahi ka muujiyeen kalsoonida xubnaha qaar, balse waxay ku xidhan tahay sida ay Golaha Wakiillada oo sannadkan Muxaafid u badani ka yeelaan, kuwaasoo haddii ay codad ku filan xubin-xubin uga helaan Wakiillada si buuxda shaqadooda u bilaabaya sharci ahaan halka haddii ay Xubnaha qaar codka kalsoonida ka waayaan Mudanayaasha Wakiillada Madaxweynaha dib loogu celinayo, taasoo uu soo beddeli karo ama soo celin karo mar labaad Madaxweynuhu sharci ahaan.
Si kastaba ha ahaatee, indhaha in badan oo dadweynaha reer Somaliland ah ayaa haya sida Wakiilladu ka yeeli doonaan toddobada Xubnood ee loo magacaabay Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada, isla markaana dhawraya sida loo kala reebo ama loo sii wada daayo xubnahaas, oo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhawr toddobaad ka hor uu magacaabay. Dad badan oo iyaguna danaynaya furashada Ururro siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhur-sugaya hawlgelinta Guddigaas.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net