Xubin ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) oo Abaalmarin ku guulaystay

New York (SLpost)- Xubin ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa guddoomey Abaal-marin laga bixiyay kal-fadhiga guud ee dhalinyarada Qaramada Midoobey.

Hussein Hassan Profile Image 2Xuseen Yoonis Xasan waa 27 jir  ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) xafiiskeeda Garoowe, Puntland – Soomaaliya waana sarkaal sare oo dhanka barnaamijyada caafimaadka u qaabilsan IOM. Xuseen waxa uu guddoomey aqoonsi sare oo caalami ah oo uu ku muteystey shaqada wax ku oolka ah ee uu u hayo dhalinyarada Somaaliyeed. Aqoonsigani waxa uu ka gudoomey kal fadhiga guud ee dhalinyarada ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobey kowdii bishani February, 2013 kaasoo ay kasoo qayb galeen ergo tiradoodu gaadheyso 500 qof.

Xuseen waxaa la gudoonsiiyey abaal-marin loo yaqaano Resolution Fellowship Award kaasoo la siiyo dhalinyarada caalamka ee muujisa tayo hogaamineed oo wax ku ool ah isla markaana horseed ka noqon kara isbedel laga gaadho horumarka dunida.

Hussein Hassan Profile imageXuseen oo ahaa ninka qudha ee Soomaaliga ah ee ka qeyb galey kal-fadhigani guud ee Caalamiga ah ayaa waxa uu soo jiitey madax sare oo caalami ah oo iskugu  jirta Danjirayaal, safiirro iyo wakiilo sare oo ka kala socdey dunida guudkeeda, waxaana Xuseen fursad loo siiyey inuu ka hadlo dadaalka dalkiisu ugu jiro gaadhista Himilooyinka Horumarinta Qarninga (Millenium Development Goals) iyo weliba guulaha hay’adda IOM ka gaadhey mashaariicda lagu horumarinayo dhalinyarada kuwaasoo ay kamid yihiin mashaariicda loogaga wacyi gelinayo dhalinyarada inay kaga hortagaan fayraska yareeya difaaca jidhka ee HIV/AIDS iyo kuwa lagu yaraynayo khataraha dhalinyarada soo waajaha.

Marka laga soo gudbo abaal-marintan uu guddoomey, waxa kale Xuseen lagu casuumey inuu ka qeyb galo golaha dhalinyarada Bariga Afrika oo ka dhici doona dhawaan magaalada Kigali ee dalka Rwanda iyo weliba shirweynaha caalamiga ah ee dhalinyarada dunida oo dhammaadka sannadkan ka dhici doona Wadanka Costa Rica ee ku yaala Qaaradda Latin Amerika.

SOMALILANDPOST.NET