Xubin ka mid ah Guddi loo Xilsaaray Xal-u-helidda Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta oo Kulan Ibo-fur ah la yeeshay Hawl-wadeennada Wasaaraddaas

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Maxamed C.laahi Cumar oo Xubin ka ah Gudi ka Kooban Sadex Wasiir oo Madaxweynaha Somaliland u soo Xilsaaray inay soo dersaan Cabashada ka taagan Wasaarada Warfaafinta ayaa kulan la qaatay Shaqaale Weynaha Wasaarada Warfaafinta.

Guddida uu madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray inay xal u helaan khilaafka ka dhex taagan masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta iyo tabashada Shaqaalaha Telefishanka Qaranka, ayaa ka kooban saddex wasiir oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Wasiirka Hawlaha Guud Md Cabdirisaaq Khaliif.

KulankaWasiirka Ganacsiga ayaa sheegay in Madaxweynuhu danaynayo wax ka qabashada dareenada ay Tirsanayaan Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu isla markaana uu hor dhac u yahay Gudidan oo ay Wehelin doonaan Wasiirada Hawlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha waxaanu intaas ku daray inay balan qaadayaan in sida ugu dhakhsaha badan ay u soo afjaraan tabashada Shaqaalaha.

Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu balan qaaday in Gudidooda oo isku dhan ay hawshan loo soo igmaday bilaabi doonaan maanta oo Arbaca ah Gelinkeeda danbe.

Kulankaas oo shalay ku qabsoomay xarunta wasaaradda Warfaafinta, waxa ugu horreyn ujeeddadiisa ka hadlay  Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay inay Anshaxa Saxafinimo ilaaliyaan.

Halkan ka Dhagayso Hadalkii Wasiirka Ganacsiga

SOMALILANDPOST.NET