XORNIMO AAMUS LAGU WAA: Halgankii gobannimo-doonka Jabuuti iyo kaalintii halabuurka

Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dhacay wax badan ayuu siyaasaddii caalamka ka beddelay.waddamadii reer YURUB gumaysiga ku haysteen waxay dareemeen saxansaxo xornimo.Horraantii 1950nadii geyigii loo yiqiin xeebta soomaaliyeed ee faransiisku gumaysto(jabuutida maanta)waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq gobannimodoon ah.waxaa majaraha u hayay koox dhalinyaro reer jabuuti ah oo uu hoggaamiye u ahaa halyeygii Maxamuud Xarbi.Waxaa la aasaasay xisbi siyaasi ah oo lagu magacaabi jiray Dhaqdhaqqaaqa Dadka,afka faransiiskana la odhan jiray Mouvement Populaire(Boobileer ayuu ku caan baxay).Xisbigaas oo ujeeddadiisu ahayd Wacyigalin iyo baraarujinta shacbiga si ay uga gilgishaan dhibaatadii iyo kadeedkii gumaysiga faransiisku ku hayay.

Xisbigu dhaqdhaqaaqiisii taageero aad u balaadhan ayuu durba ka helay dadweynaha reer jabuuti ee uu dareenkoodaka turjamayay.Kacdoon ayaa cirka isku shareeray.Halgankii xilligaas bilowday wuxuu socday labaatan 20sano oo dhiman wax yar,ilaa ay dadka reer jabuuti hanteen gobannimadooda 27kii juun 1977kii.Halgankaas dheer oo ay u geeriyoodeen geesiyaal badan oo uu hormuud u yahay halgamaagii weynaa ee Maxamuud Xarbi Faarax,qaar bandanna u dhaawacmeen,xabsi u galeen,jidh-dil iyo cadaab adduun u soo mareen.Muraayadda ugu iftiinka badan ee maanta laga daawan karo taariikhdaas qaaliga ah waa suugaanta iyo hala-abuurkii ay dhacdooyinkaas si joogto ah ugu diiwaan galiyeen halabuurkii waddaniyiinta ahaa ee maalin kasta ka turjumayay wixii dhacayey iyo dareenkii shicibka.ayaa aynu ka soo qaadan doonnaa kuwoogii ugu miisaanka cuslaa,ee taariikhdaa horteen si dhaba u keeni doona wixii dhacay.dhawr iyo tobankan maanso ee ku ladhan maqaaladeena waa tusaale laga soo qaatay badweyntaas suuganta waddaniga ah.Waa diiwaan run-sheeg ah oo si cad noo hor dhigaya marxaladihii kala duwanaa ee taariikhdaa muhiimka ah.sidaa awgeed iyaga ayaa ugu habboon inaan ka daalacano taariikhda xilliyadii kala duwanaa ee halganka xornimodoonka jabuuti.Haddii aynnu ka bilawno xilligii kowaad iyo kontanaadkii qarnigii tegay bal u fiirso sida la yaabka leh ee ay noogu sawirayso maansada la magac baxday Calan-Xiis ee uu curiyey Xaashi Cabdulaahi Orrax,marka uu leeyahay:

Xisbigii Boobuleer,Xarakadii la abuuray

Wiilashii xilka qaaday,Xiisadday na gasheen

Shicibkii wada xaytee,Qof xerooda la waayay

Gidaarradaannu xardhaynay,Dariiqyadaannu xidhaynay

Xarqadahaannu lulaynnay,Xuruuftii ku qornayd

Xornimaannu rabnaa,Xandullow naga guur.

Isla sawirkaas waxa bixinaysa maansadan uu tiryey abwaan Jaamac Muuse Miicaad ee uu si gaar ah ugu tilmaamayo taageeradii dadku u hayey xisbigii gobonnimodoonka ahaa ee berigaa rabitaanka shacabka hoggaaminaayey iyo sidii looga soo horjeeday Isticmaarka:

Boobileer ninka diida,

Daacad baanu ahaynoo

Dulligii faransiiskiyo,

Digool buu la hayaa

Inse doonni la saari,ka tegaayo dalkeenna

Ninna diir kama saarnee,

Dadaal baan ku jirraaye

Daayinow na gargaar*.

Halgankii gobonimodoonka oo halkiisii ka sii socda ayaa sannadkii 1958kii jeneraal De Gaulle madaxweyne ka noqday dalkii Faransiiska.Wuxuu soo saaray xeer loogu magac daray De Gaulle,xeerkaasi oo lagu eegaayay guud ahaan shucuubta Faransiisku gumasayto afkaartooda siyaasadeed.xeerkaasi wuxuu saamaynayay dhammaan dadyowgii ku hoos jirey isticmaarkii Faransiiska.wuxuu dhigayey shacbigu in ay labo arrimood kala doortaan:in ay doortaan ka sii mid ahaanshaha is-bahaysiga gumaystaha ama in ay madaxbannaani iyo xornimo buuxda doortaan.Haddaba De Gaulle isagoo sahaminaya afkaarta dadka la gumaysto ayuu maray dalalkii afrika ee ku hoos jiray isticmaarka Faransiiska.in kasta oo ay jireen dad gumaysiga u adeegaayay,haddana shacabka reer jabuuti waagaas gumaysiga waa diideen oo xornimay dalbadeen.

Marxaladdii taa xigtay oo ku began horraantii lixdannadii ilaa bilowgii todobaatannadii,waxay ahayd xilliyadii ururradii gobonimodoonku ay aadka u koreen isla markaana dhaqdhaqaaqoodu gilgilay xukuumaddii isticmaarka ee dalka ka talinaysey.Haddaba markii nidaamkii gumaysigu arkay ololihii iyo xammaasaddii gobonimodoonka ee dadka reer jabuuti oo meel sare maraysa maamulkii isticmaarku wuxuu bilaabay habab uu ku cabburinaayo shacabka,kagana hortagaayo dhaqdhaqaaqyada gobonimodoonka ah.Ciidamadii ammaanka ee gumaysigu waxay dadka kula kaceen falal dil,xabsi,masaafurin iyo cadaadisba leh.Si ballaaran ayay dhacdooyinkaana maanso-yahannadu uga taariikheeyeen.Mar kale Xaashi Cabdillaahi Orrax oo arrimahaa dhacay sawir ka bixinaya xasuus ahaanna u tilmaamaya waa kii maaansadiisii Calan-Xiis ku lahaa:

Ummaddii Xaddi beeshee,

Aawadaa la xasuuqay

Caawa oon xusi weyno,

Xeerba mayna ahayne

Raggaygii la xijaabay,

Bal aan xuubka ka qaado

Afrikoon xor ahayn,

Kii diggool ku xanaaqee

Yidhi xeebta ka guur,

Ilaahay ha xurmeeyo

Jannadii ha xaluushee,

Xarbi maannu ilaawin.*

 

Lasoco maqaallada danbe

Qallinka C/naasir Guray Meecaad

Tell:063-4462703/o61-9097073

C/o:Hargeysa/Somaliland