Xornimadii Khasaartay – W/Q: Prof. Cabdixakiim Y. Kheyre

Prof. Abdihakim Yusuf Kheire
Prof. Abdihakim Yusuf Kheire

Maqaadiirta siyaasadu waa dhacdo dhif ah oo qalibta nidaamka siyaasadeed ee caalamka. Rogmadka Falastiin waa maqaadiirta siyaasadeed ee caalamka ugu caansan uguna mushkilada badan. Laakiin geeska Afrika waxaa ugu cajiibsan xornimadii khasaartay ee Somaliland. Jariirada maalin laha ah ee The Guardian baa xornimadii Somaliland ku sagootiday: Maxmiyadii Xornimada Qaadacday (The colony that has rejected freedom). Mabda kasta oo lagu shuraakoobo waxaa laga aaraar dhigtaa hadii maqaadiiri dhacdo; walise lama arag qawmiyad mustaqbalkeedii ku khamaartay sidii reer Somaliland aayahoodii ugu khamaareen.
Dawladaha midoobaya waxaa lagu qiimeeya isbar-bardhiga awoodahooda. Tirada dadka ku nool dalka; baaxada dhulka, tirada xubnaha Baarlamaanka, Gobollada dalka, mudada maamul hoosaadka, derejada saraakiisha ciidamada ugu sareeya, isku-dheeli tirka awooda beelaha, nooca mustacmarada, tirada ajaanibka reer yurub ee dalka ku nool & tirada laamaha/wasaaradaha ee shaqaynaayey. Akhriste doqon marfuucal qalam ah uun baa seega inuu is qiimeeyo marka uu nin kale la loolamayo. Waayo midnimadu dawladuhu waa hirdan joogto ah oo lagu loolamaayo awoodaha dawlada, qaniimada qaranka, maalgashiga mashaariicda & maamuuska mansabyada. Dalalka waxaa wax lagu qaybsadaa hadba qaybaha bulshadu ka tafiirantay: Lebanon waxaa mansabyada lagu qaybsadaa Kiristian & Muslim. Ciraaq waxaa awooda maamul loo qaybsadaa Shiicada, Kurdi & Sunni. Nayjeeriyana waxaa loo xisaabtamaa nidaamka federaalka oo ku salaysan Waqooyi & Koonfur.

Nasiib daro saami qaybsiga Somaliya wuu dhamaystirnaa: Hawiye & Majeerteen baana si hufan oo baahsan oo farshaxan ku dheehan-yahay dawladnimadii isugu taxay. Tusaale: bal u fiirso saamiga labada beelood: Beesha Hawiye;  Madaxweyne, Wasiirka Arrimaha Dibeda & Taliyaha Ciidamada Milatariga. Saamiga Beesha Majeerteena: Raysal Wasaare, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Taliyaha Ciidamada Boliiska. Saamiga labadan beelood wuxuu ku salaysnaa xod-xodashada & xeelada reer Mudug & wada shaqayntii fiicnayd ee beelaha Jalaf & Khalaf la yeesheen gumaystihii Talyaaniga.

Macnawiyan meeli inoogama banaanayn jamhuuriyadii Somaliya. Waxay ahayd inaynu dawladnimadeena aamino oo gumaystihii ka codsano inuu muddo, toban sanno, ina gardaadiyo  sidii ururkii NUFtu ku ololeeyey. Inagaa qaran ahayn: Shuuriye baa Hargiesa laga doortay. Iyagu beelo bay ahaayeen. Akhriste maqaalkani waa maqaal xasaasi ah oo u baahan in taxadir lagu qiimeeyo. Waxaan ugu talo galay in aynu tamashlayno taariikhdeena usbuucan ku xardhan qulubteena (June 26-30) 1960.     Tolow wali ma waantawnay mise sideenii baynu meel kale ka fud-kudin?

Fadlan hoos ka daalaco is-bar bardhiga Somaliland & Somalia ee tobanka arrimood ee kor ku xusan:

  Arrimaha is bar-bardhiga Somaliland Somalia
1 Tirada Dadka ku nool 675,000 1,300,000
2 Baaxada Dhulka 137,600 KM 2 500,000 KM2
3 Tirada Xubnaha Baarlamaanka (45-12) = 33 Xildhibaan 90 Xildhibaan
4 Gobollada Laba: Wagooyi Galbeed & Waqooyi Bari Lix: Majeerteniya, Mudug, Hiiraan, Bay, Banaadir & Juba.
5 Mudada maamul hoosaadka 5 Bilood 10 Sanno
6 Saraakiisha Ciidamada ugu derejeda sareeya Militariga: Laba Xidigle. Boliiska: Kabtan. Asluubta! Boliiska: Gaashaanle Sare. Ma jirin ciidamada militariga & asluubta.
7 Isku-dheeli tirka awoodaha beelaha Loolan qarsoon oo sababay isku xisdiga xornimada Saami qaybsi dhamaystiran: Hawiye & Majeerteen.
8 Nooca Isticmaarka Maxmiyad= Faro-gelin kooban Mustacmarad=  Faro-gelin baahsan; ku tagri fal awoodeed.
9 Ajaanibka yurubiyanka dalka degen 70 Macalin, Dakhtar & Garsoorayaal. 70,000 Todobaatan kun oo talyaani ah ganacsato, shaqaale
10 Tirada Wasaarada Dawlada ee jiray Afar (4): H-Guud, Beeraha, A-Bulshada, Difaaca. 14: Wasaarada Difaaca oo qudha baan jirin: Waa sababta Sh. Ali Ismail & M.I. Cigaalba loogu magacaabay!!!

 Dhamaan isku-dheeli tir la’aanta arrimahan kor ku xusani waa sababta midnimadii Somaliland & Somaliya u fashilantay. Tobankan arrimood waxaa ugu muhiimsan nooca isticmaarka (8). Somaliland waxay ahayd Maxmiyad dawlada Ingiriiska hangool dalka lagaga hayey. Halka Somaliyana ahayd dal loo tobabarayey Madaxbanaani  dadkooduna codsadeen in Talyaani gardaadiyo maadaama uu hore u guumaysan jiray (Somali Trust Territory Under UN Trusteeship Council: 1950-60). Arrintani waa inta wali Somaliya ina dheertahay. Tobankii sano waxay barteen sida loo maamulo afar & toban (14) Wasaaradood & Raysal Wasaarahoodii: halka inaguna aynu la shir tagnay afar (4) Wasaaradood & Hogaamiyaha Shaqada Dawladda (Leader of Government Business). Wasaaradaha waxaa dheera sagaashanka xildhibaan ee aynu ku waajahnay 33 xildhibaan!! Golaheenu wuxuu ahaa 45 xildhibaan. Markii Ingiriisku laba & tobankiisii kala baxay golaha, waxaynu dayacnay inaynu buuxino. Somaliya todobaatan kun oo talyaani ah baa joogay: ganacsato, beeralay, maamulayaal, saraakiil. Somalilandna todobaatan Ingriis ahi ma joogin. Dal bilaa ehel ah baynu ahayn.

Waxaynu Somaliya kula shuraakownay magaceedii: Diiwaanka Jimciyada Quruumaha kama diiwaangashana midnimadii labada dal: Calankoodii & Magacoodii baynu kula midownay!!! Masiibadana waxaa inoo hor seeday madaxdeenii! Madaxda waxaa waajib ku ah sahaminta siyaasadeed ee mustaqbalka. Dadku wada indheer garad ma noqon karaan. Siyaasiyiinta baa ka masuul ah sugida mustaqbalka bulshada.

 Dhamaad

By: Abdihakim Yusuf Kheire, President, Institute of Democracy & Governance,
abdihakim_365@hotmail.com
Berbera, Somaliland