Xoogagga Golaha ku-meel gaadhka Libya oo qabsaday Magaalada Saawiya

Tripoli, (SLpost)- Xoogaga Golaha ku-meel gaadhka dalka Libya ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Sabha ee koonfurta dalkaas. Oo maalmihii ugu danbeeyay dagaal qadhaadhi ku dhex marayay ciidamo u daacad ah hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi.

Dagaalo culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ka dib waxa ay Magaalada Sabha u muuqataa mid imika gacanta u gashay ciidamada golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya, taas oo si wayn uu wiiqaysa awooda kooban ee u hadhsanayd hogaamiyihii hore ee Libya Qadaafi iyo taageerayaashiisa oo wali ku dagaalamaya dhawr magaalo oo Sabha ka mid ahayd.

Inta badan maasuuliyiintii iyo taageerayaashii Qadaafi ayaa isugu ururay sadexda magaalo ee Sabha, Sirta iyo Binwaleed, goobahaas oo ay difaac adag kaga jireen, tan iyo wixii ka danbeeyay 28-kii bishii hore ee August oo xoog lagaga saaray magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Magaalada Sabha oo isku dhinaca koonfureed ee dalkaas iyo caasimadda Tripoli waxa ay leedahay istaaratiijiyad dhinaca dhulka ah, taas oo dhinacyada Libya ku dagaalamaya ugu fadhida muhiimad milatari oo balaadhan taas oo dhinaca ku xoog roonaada u fududaynaysa inuu hantiyo jidka kaliya ee halbowlaha ah ee isku xidha dhinac koonfureed ee dalkaas iyo magaalooyinka xeebta ku teedsan.

Ciiddamada golaha ku meel gaadhka ee Libya ayaa sheegay in dagaalka magaaladani uu ku noqday mid adag, intii ay ka filayeen, hasa yeeshee ay imika gabi ahaanba xoreeyeen magaaladaas, xoogagii taageersanaa Qadaafina ay si buuxda uga  baxeen.

Dadka ku dhaqan Magaalada Sabha ayaa intooda badani ka soo jeedaan dadka madow ee afrikaanka ah, oo si wayn u taageeray Qadaafi iyo dawladiisi, waxaana si wayn looga dareemayay cabsi hadhaysay dadka ku dhaqan magaaladaas oo ka cabsi qaba in aar goosi lagula kaco.

Dhinaca kale Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed ayaa wali dagaalo ba’ani ka socdaan, waxaana la arkayay madaafiic iyo gantaalo xoogaga taageersan Qadaafi soo ridayaan, sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dalka Britain ayaa duqayn u gaystay goobaha xoogaga Qadaafi taageersani ku sugan yihiin ee magaalada Sirta.

Somalilandpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com