Xogyaha  Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Oo Hambalyeeyay  Orodyahanka Mo Farah

 

Hargeysa (SLpost) —Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi ayaa si weyn ugu diirsaday guulaha is daba jooga ah ee xidiga weyn ee reer Somaliland isla markaana haysta jinsiyada Ingiriiska Mo Farah uu ka soo hooyay Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee ka Socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.Kaasi oo caawa ku guulaystay tartanka orodka 5000m. isagoo horena hantay orodka 10.000m.

Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiray u diray Mo Farah oo uu ku sifeeyay tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

Xogyaha Guud ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo gaadhsiyay Xafiiska Shabakadda Wararka ee HargeisaPress.com waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxaan  Hambalyo iyo Taageero iskugu jira u dirayaa Orodyahanka caalamiga ah ee reer Somaliland Mo Farah isla markaana haysta jinsiyada Britishka, kaasi oo ku guulaystay biladdii labaad ee dabab ah. Ka dib markii caawa ku guulaystay tartankii Orodka 5000m Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee ka Socda magaalada Beijing”

Xogyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland waxa uu ku farxay isla markaana ku bogaadiyay halyaygan weyn ee wacdaraha ka muujiyay fagaareyaasha ciyaaraha adduunka. Waxaanu Xogyuhu sheegay inay guusha Mo Farah tahay guul u soo hoyatay shacabka  Somaliland iyo  Britain-ba.