Xogo laga helay Xaqiiqada iyo Qaabka uu u dhacay Weerar Nin Shaqaale Ka Ah Dugsiga Nuraadin Maasajid Dhexdii Ugu Gaystay Maamulaha Guud Nuuradiin

Macalinka iyo Maamulaha Guud ee Nuuradiin

 

Dhawaan Ayay Ahayd Markii wakhtiga Udhaxaysa Saaladii Makhrib iyo Tii ishaaci masaajid ku yaala xaafada boqol iyo kontonka ee magaalada hargaysa uu nin Katirsanaa shaqaalaha dugsiga hoose ee nuuradiin ee xaafada sheikh madar uu maamula guud ee dugsiyada nuuraadin ku dhex weeraray masaajid uu wakhtigaa ku suganaa kaasi oo dhaawacyo culus kasoo gaadhsiiyay madaxa wallow xaalada caafimaad ee maamulka dusgiyada nuuraadiin Xaaji Mahad ay hada fiican tahay,

Macalinka iyo Maamulaha Guud ee Nuuradiin

Hadaba Nin shaqaalaha ka ahaa dugsiga hoose ee nuuradiin oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed ayaa sida uu ka waramay qof goob jooge ahi masaajidka ugu dhex yimid maamule mahad isagoo doonayay in uu kala hadlo maamula nuuraadiin ee xaafada sheikh madar oo ay iskhilaafeen

Ugu Horay ninka maamula dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad Dhaawaca Ugaystay xogtiisa iyo waxa ay isku maandhaafeen maamulaha nuuraadiin ee qaybta Sheikh Madar iyo wixii dhexmaray ninkan macalinka ah.

Sida uu ka waramay maamulka qaybta uu katirsaa ayaa yidhi “Ninkani Walaalayaal waxa uu ka mid shaqaale hoosaadka (xaadiriye) Dugsiga Primary ga Sh. Madar Waxa uu shaqada ka tagay markii loo fasaxay ardayda xanuunkan Corono Virus isaga oo aan wax ogaysiis ah soo gudbin, fasax na aan qaadan, markii uu maamulaha Qaybta Sh. Madar la xidhiidhay waxa uu u sheegay inuu hawlo kale oo u gaar ah ku mashquulsanaa. wuxuu ka maqnaa shaqada mudo bil ah, markii ay hawlihiisii u gaarka ah u soo dhammaadeen kaddib maamulaha ayuu u yimid, maamuluhu waxa uu waydiiyay shaqada waxa uu uga maqnaa, waxa uu u sheegay inuu hawlo u gaar ah ku mashquulsanaa. Maamuluhu wuxuu ugu jawaabay hadaba hawlahaagaa kuu gaarka ah iyo shaqadaas aad ku jirtay sii waddo anaguna shaqqo kuuma hayno. Wuxuu ugu jawaabay ma adigaa shaqada iga eryi kara nin ayaa iskuulka iska leh. Halkaas ayay isku khilaafeen maamulaha qaybta iyo hawl wadeen kani.”

Sheekadaasi waxay dhex martay Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Madar Mr. Fuaad iyo ninka dhaawaca geystay.

Maxaa Dhexmaray Ninkan shaqaale hoosaadka ahaa dugsiga nuuradiin qaybtiisa sheikh madar Iyo maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuraadiin Markii UU Masaajidka Ugu Yimid;

Kadib markii ay isa soo khilaafeen maamulaha nuuradiin qaybta sheikh madax ee uu ka shaqayn jiray waxa uu ugu tagay Masaajidka Haji Mahad oo Wakhtigaas Quran ku akhrisanaya Masaajidka dhexdiisa, waxa uu ku yidhi Shaqadii ayaa layga joojiyay ee ii ergeeh, Wuxuu maamuluhu ugu jawaabay waan digriyayayaa oo masjid ayaan fadhiyaa ee wakhti kale inooga dhig. kadib waxa uu ugu jawaabay iska digri, waa uu kacay ninkii, xaajigina quraankiisii ayuu sii watay kadib intuu soo qaatay rixliga (birta adag ee Qur’aanka lagu akhristo) ayuu isaga oo sii jeeda oo aan arkayn madaxa kala eegtay maamulaha laba jeer oo daran doori ah, halkaasuu dhaawac culus oo madaxa ah kusoo gaadhsiiyay maamulaha Dugsiyada Noradin Xaji Mahad Ibraahim.

Maxaa dhacay kadib markii dhaawaca ugaystay Xaaji mahad Masaajidka dhexdiisa?

Markii uu dhaawaca geystay ninkani ayuu isku dayay in uu baxsado, kadib orodkii ayaa waxa uu ka dhacay kaabada masaajidka, halkaasi oo dhaawac kasoo gaadhay gacanta iyo lug waasi sida uu isaguna ku qoray OB ga saldhiga uu ku xidhan yahay. Wax laf ah oo uu ka jab yahay majirto

Dhanka kale xogahan ayaa beeniyay in ninkani uu soo gaadhay dhaawac jabniin ah kaasi oo dadka qaar ku baahiyeen baraha bulshada iyo warbaahin online ka qaarkood in uu jaban yahay.

Maamulka qaybta nuuradiin ee ka shaqayn jiray cabdiraxmaan oo ah ninka dhaawac ugaystay maamulihii guud ee Nuuradiin ayaa beeniyay in ninkani uu dugsiga ku lahaa mushahar Afar bilood ah taasi oo sheegeen in ay waxba kama jiraan tahay,

Ninkan dhaawac ugaystay maamulihii guud ee nuuradiin ayaa wali ku xidhan saldhiga daloodho ee magaalada hargaysa kaasi oo wali wax war ah oo faah faahsan ujeedada rasmiga ee ka danbaysay weerar uu ku qaaday maamulaha guud ee dugsiyada Nuuraadiin aanay kasoo saarin Ciidamada booliska oo gacanta ku haya Kiiskiisa.