Xogo ku saabsan Qaabka uu u dhacay weerar Askari Ilaalada Jamhuuriga ka tirsani ku Qaaday Garoonka diyaarada Jabuuti oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle shalay ka soo Dagay

Sarkaal Ilaalada Jamhuuriga Ka tirsan iyo Dhakhtarkii Khaaska ahaa ee Madaxweynaha Jabuuti oo weerarka ku dhaawacmay

– Waddaado Arrimo siyaasadeed u xidhan oo la qorsheynayo in maanta la sii daayo

Djibouti (SLpost)- Askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, ayaa rasaas ku furay wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ku laabtay dalkiisa ka dib socdaal muddo todobaaddo ah qaatay oo ugu maqnaa waddanka Maraykanka.

Djibouti_007Weerarka Askarigani ku qaaday Madaxweynaha oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxa ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ilaalada madaxweyne Geelle i kuwaas oo dhaawacyadooda lagu xannaanaynayo cisbitaal Milatari oo ku yaala magaalada Jabuuti, sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo madax-bannaan oo ku sugan magaalada Jabuuti.

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka weerarka dhaawacmay uu ku jiro Dhakhtarka khaaska ah ee madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo garoonka wakhtigaas garoonka ku sugnaa. Dhaawaca soo gaadhay dhakhatarka, ayaa la sheegay inuu yahay mid sahlan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawladda Jabuuti, haseyeeshee xogaha aanu helnay waxa ay tibaaxeen in sarkaal ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jabuuti oo lagu magacaabo Dr Idriss Cabdi Galab uu ka mid yahay labada qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen weerarka askarigani ku qaaday garoonka diyaaradaha Jabuuti, waxaanay wararku intaas ku dareen in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu toban daqiiqo ka sii maqnaa garoonka wakhtiga weerarku dhacay.

Askariga Weerarka geystay oo aanay noo suurto-galin inaanu magaciisa ogaanno, ayaa la sheegay in isla markiiba ay gacanta lagu dhigeen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa garoonka.

Lama oga sababta Askariga ka tirsan ilaalada madaxtooyada Jabuuti ku kalliftay inuu weerarka qaado, , haseyeeshee waxa la sheegay in ciidamada Ammaanu ay bilaabeen sababta ka dambaysa weerarka Askarigu fuliyey iyo haddii ay jirto cid ka dambaysay rasaasta lagu furay saraakiisha Ciidanka Ilaalada madaxweynaha.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca dalka Jabuuti tan markii la sameeyey Ciidamada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti siddeed sanno ka hor.

Weerarkani Askarigu dhaawacyada ugu geystay saraakiisha ka tirsan Ciidamada Jamhuuriga, ayaa ku soo beegmaaya iyada oo maanta loo ballansan yahay in xabsiga laga sii daayo saddex wadaad oo arrimo siyaasadeed loogu xidhay dalkaas horaantii sannadkan. Saddexda wadaad ee la qorsheeyey in maanta la sii daayo, ayaa magacyadoodu kala yihiin Sheeh Cabdirahman Bashir, Sheekh Cabdirahman Barkhad iyo Sheekh Giire Maydal, sida noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo aanu ka soo xigannay warka sii-deynta culimada arrimaha siyaasadeed u xidhan.