Xogo Faahfaahsan oo ku saabsan bilowga khilaafka wasiirrada Macdanta & Maaliyadda, Nooca lacagaha, tirada wasiirradii u codeeyey heshiisyadii shirkadaha, wasiirada ka aamusay, xildhibaankii hogaaminayey kooxdii ergeynta

Hantidhowrka Guud oo maanta u gudbinaya natiijada baadhitaan Madaxweynaha JSL u diray

Hargeysa, (SLPost)-  Hantidhawraha guud ee Qaranka, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Dheere) ayaa la filayaa inuu maanta u gudbiyo natiijada Baadhitaan uu ku samaynayey Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo Madaxweynaha JSL ku amray, ka dib markii khilaaf dhexmaray wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, oo ku saabsan lacago soo galay wasaarada Macdanta iyo Biyaha.

Xogo ku saabsaan nooca lacagaha la sheegay inay keeneen khilaafkan oo markii ugu horeeyey ku soo baxay iscasilaad la sheegay in wasiirka Maaliyadu qoray, dacwada wasiirka maaliyadu u gudbiyey Madaxweynaha JSL, xilliga amarkii hantidhowrka guud ee baadhitaanka wasaarada Macdanta iyo mudaduu ku jiray, shirkii golaha wasiirada ee Khamiistii  waxii dhacay, tirada lagu ansixiyey laba heshiis oo wasaarada macdantu geysay golaha wasiirada, wasiirada ka aamusay, xilliga iscasilaada wasiirka Maaliyadu soo baxday, Waa kuma Shakhsiga wasiirka Maaliyadu u dhiibay is-casilaadiisa?, Yaa hogaaminayey xildhibaanadii ka hawlgalay joojinta iscasilaadii wasiirka Maaliyadda, maxaa keenay dhexgalkooda,xilliga la filayo u gudbinta baadhitaankii hantidhowrka guud Maxadweynaha, iyo go’aanka la saadaalinayo”

Ugu horeyn, arrinta khilaafkan ayaa sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen SomalilandPost, soo baxay markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada ee 15kii Dec, taasoo wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi u gudbiyey Madaxweynaha JSL dacwad uu sheegay in wasiirka Macdanta iyo Biyahu lunsaday lacago ay bixiyeen laba shirkadood oo heshiis kula jira wasaarada macdanta.

Intaa ka dib ayaa la sheegay in madaxweynahu u yeedhay hantidhowrka guud, isagoo wasiirka Maaliyadu joogo, amarna ku siiyey inuu baadhitaan dhamaystiran ku soo sameeyo guud ahaan lacago la sheegay inay soo galeen wasaarada macdanta, oo meelo kale maray.

Goorma ayuu hantidhowrka Guud bilaabay hawshii baadhitaanka wasaarada macdanta, maalmaha uu ku jiray, maxaa dhacay shirkii khamiistii 22kii Dec, imisa ayey ahaayeen tirada wasiiradii u codeeyey heshiisyadii wasaarada macdanta, yaa ka aamusay?

Xogaha (SLP) ayaa intaa raaciyey in hantidhowrka guud hawshii baadhitaanka ka bilaabay wasaarada macdanta 17kii  Dec, muddo wiig ahna ku jiray hawlahii baadhitaanka,  Laakiin, shirkii golaha wasiirada ee 22kii bishan ayaa mar kale wasiirka Maaliyadu soo celiyey eedayntii, balse Madaxweynaha JSL ayaa cadeeyey inuu ku go’aan qaadan doono natiijada hantidhowrku u soo gudbiyo, xilligana cod loo qaado heshiisyadii wasaarada macdantu keentay, waxaana golaha wasiiradu ku meelmariyeen 27 wasiir oo ogolaaday heshiisyadaa halka wasiirka Maaliyadu keligii diiday ansixinta heshiisyadaa.

Goorma ayuu qoray iscasilaada, Yuu u dhiibay, yaa hogaaminayey xildhibaanadii ka howlgalay hakinta iscasilaada, maxaa kalifay odayeyntooda?

Wasiirka maaliyadda ayaa la sheegay weji-gabax uu kala kulmay shirkii golaha wasiirada awgeed u qoray warqadii iscasilaadiisa, una soo dhiibay Xoghayaha Madaxweynaha JSL, balse, intaanay gaadhin Madaxweynaha ayey ka hawlgaleen xubno xildhibaano uu hogaaminayey Cali Mareexaan, oo sida xogahaasi sheegayaan hore wasiirka Maaliyadu ugu ogolaaday mashruuc dhaqaale badan ku baxayo oo tigidho ah.

Waa noocma lacagaha wasiirka Maaliyadu sheegay in la lunsaday,  xillima ayey bilaabmeen, halkee ayuu ka furan yahay xisaabta lacagtaasi, ma jiraan lacago noocan oo kale oo wasaaradaha dalku helaan, miyey maraan wasaarada Maaliyadda?

Lacagaha khilaafka keenay ee wasiirka Maaliyadu sheegay in la lunsaday ayaa sida xogaha SomalilandPost helay lagu sheegay inay yihiin kuwa horumarinta wasaarada (Capacity building) loo yaqaan oo heshiisyadii hore loola galay shirkadahaasi dhigayeen, soona bilaabmay markii Xukuumadii hore heshiisyadaa gashay, waxaana la sheegay in xisaabtoodu ka furan tahay baanka Dhexe ee Somaliland. Wasaaradaha kale ee dalka oo wasaarada Maaliyadu ku jirto ayaa sidoo kale ka hela hay’adaha wada shaqeyntu ka dhexeyso, mana aha kuwo ku dhaca khasnada dawlada, balse waxa maamula wasiirada qaabilsan, baadhitaanadoodana waxa awood u leh hantidhowrka guud.

Goorma ayaa la filayaa inuu hantidhowrka guud u gudbiyo natiijada baadhitaankiisa, ma jiraan baadhitaano hantidhowrka guud ka wadeen wasraada maaliyadda, iscasilaada wasiirka maaliyadu maxay daaranayd ma waxuu kaga hortegayey baadhitaanada wasaaradiisa lagu waday, maxuu ku saabsanaa kulan la sheegay in wasiirka Maaliyaddu la yeeshaymadaxweynaha JSL, ballankii Madaxweynaha JSL uu kaga tegayse waa maxay?

Ugu danbayn, baadhitaankii hantidhowraha guud ee ku saabsanayd ayaa  baadhitaanka wasaarada macdanta iyo biyaha ayaa la filayaa in maanta loo gudbiyo Madaxweynaha JSL, balse waxaan si cad loo ogeyn xilliga hantidhowrka guud u gudbin doono natiijada baadhitaano mudooyin hore uu ka sameeyey wasaarada Maaliyadda, oo hore marar door ah saxaafada  ku soo baxay.  Ila wareedyadan ayaa sheegay in iscasilaada wasiirka Maaliyadu oo ku timi weji gabaxuu kala kulmay shirkii golaha wasiirada dhab ahayd, balse ashkhaas dano ku qabay ku cadaadiyeen hakintiisa, iyagoo u muujinaya bulshada Somaliland inay dhexdhexaadinayaan khilaafkaa, soo qabanqaabiyey kulan la sheegay inuu Madaxweynaha JSL la yeeshay, balse, wasiirka maaliyadda ayaa kaga yimi Madaxweynaha JSL ballan aha inuu ka warsugo go’aan uu ka qaadan doono natiijada hantidhowrka guud ka keeno wasaarada macdanta iyo biyaha iyo wasaarada Maaliyaddaba. waxa loo dhegtaagaba waa go’aanka uu Madaxweynahu ka qaato marka natiijada hantidhowrka guud gaadho maanta, meeshana uga baxdo tuhuno lagu qarinayey fadeexado si cad looga sheegayo dhinacyada khilaafku dhexmaray.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland