Xogo dheeraad ah oo laga Helay Burburka Diyaarad Siddey 295 Rakaab ah oo lagu Toogtay Xuduudka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine (SAWIRRO)

–          Ingiriiska oo Fadhi Deg-deg ah ka dalbaday Golaha Ammaanka

–          Obama iyo Putin oo Khadka Telefonka ku wada-hadlay

–          Dadka ku dhintay oo u badan Reer Galbeed

–          Ukraine iyo Malleeshiyaadka Ruushku taageero oo Midba ka kale ku eedeeyey

–          Immisa Dhacdo oo Noocan ah ayaa hore u galay diiwaanka Adduunka?

London (SLpost)- Diyaarad Rakaab oo laga leeyahay waddanka Malaysia oo siddey 295 qof oo rakaab ah, ayaa lagu soo riday Xuduudka u dhexeeya Ukraine iyo Russia, ka dib markii lala beegsaday gantaal lagu ganacay, waxaana ku qudh-baxay dhammaan dadkii rakaabka ah ee Saarnaa.

malaysia Airlines Ukraine (5)Waxa ay diyaaraddu ka kacday Garoonka diyaaradaha magaalada Amsterdam ee dalka Holland, waxaanay ku sii jeedday magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo dul-maraysay gobolka Donesk ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka gooni-u-goosadka ah ee Ruushku taageero, ayaa gantaalka lala beegsaday iyada oo dhulka ka sarraysay joog dhan 33,000ft.

malaysia Airlines Ukraine (3)Dawladda Ukraine ayaa weerarkan ku eedaysay malleeshiyaadka ay dagaalka ku jiraan ee Bariga dalkaas, waxaanay beeniyeen inay wax masuuliyad ah ku leeyihiin gantaalka lagu soo riday diyaaradda, iyada oo Madaxweynaha dalka Ukraine, Petro Poroshenko ku tilmaamay falkan mid argagixiso ah, waxaanu soo jeediyey in baadhitaan caalami ah lagu sameeyey sababta ka dambaysay falkan.

malaysia Airlines Ukraine (7)Diyaaraddan oo duullimaadkeedu ahaa Flight MH17, ayaa burburkeedu ku dhacay duleedka magaalada Donetsk, waxaana la arkayey qiiq madow oo cirka isku-shareeray.

Goob-joogayaal u warramay warbaainta ayaa sheegay inay arkeen qaybaha jidka dadkii saarnaa diyaaraddu ay ku kala firdheen masaafo isku jirta 15KM, taas oo caddeynaysa in diyaaraddu ku burburtay hawada dhexdeeda.

malaysia Airlines Ukraine (8)Rakaabka diyaaradda Saarnaa oo u kala dhashay waddamada Reer Galbeedka iyo muwaadiniin u dhalatay waddamada Qaaradda Eeshiya.

Wararka Hordhaca ah ee la helayo, ayaa sheegaya inay ku jireen 10 u dhashay Ingiriiska, 23 Maraykan ah, 71 u dhashay Holland, Afar u dhashay dalka Faransiiska.

 

Hoggaamiyeyaal ka hadlay

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska Philib Hammond ayaa xaqiijiyey inay ku jiraan Muwaadiniin u dhalatay dalkaas, haseyeeshee ma shaacin tirada rasmiga ah eek u jirtay dadka ku geeriyooday.

“Masiibada ku habsatay diyaaradda Malaysia fejeciso iyo murugo ayey igu abuurtay, Saraakiil ka tirsan Whitehall ayaa ku hawlan inay baadhaan macluumaadka,” Raysal-wasaare David Cameroon.

malaysia Airlines Ukraine (10)Dawladda Ingiriiska, ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kulan deg-deg ah, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Madaxweynaha Ruuska Vlamidir Putin oo khadka telefonka wada-hadal ku dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo uu u sheegay in diyaarad laga leeyahay Malaysia ku burburtay gudaha xuduudka Ukrain, sida uu shaaciyey Aqalka Kremlin ee looga taliyo Ruushka.

malaysia Airlines Ukraine (11)Labada hoggaamiye oo wada-hadalka khadka telefonka ku dhexmaray ahaa mid hore loogu sii qorsheeyey inay kaga wada-hadlaan arrimaha cajiran ee dalka Ukraine, ayaa mar kaliya macluumaadka la xidhiidha diyaaraddu soo shaac baxay.

Dhowr iyo labaatan u dhashay dalka Maraykanka ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen burburka diyaaradda, taas oo madaxweyne Obama ku tilmaamay Masiibo murugo leh.

 

Dawladda Ukraine oo Beenisay iyo Doodda Malleeshiyaadka DONESTK

Gantaalka la tuhunsan yahay in lagu riday diyaaradda, ayaa ah nooc lagu farsameeyey dal-weynihii la odhan jiray Midowga Soofeeyi, waxaana loogu talo-galay in Ciidamada Afan-tari ah lagaga difaaco weerarrada duqaynta diyaaradaha, Gantaalaha Kuruus-ka loo yaqaano iyo diyaaradaha Drones-ka.

malaysia Airlines Ukraine (9)Madaxweynaha Ukraine, ayaa beeniyey inay ciidamadiisu ku lug-leeyihiin toogashada diyaaradda. “Ma dafirayno in diyaaradda la toogtay, balse waxaanu caddeynaynaa in aanay ciidamada Qalabka-sida ee Ukraine wax shaqo ah ku lahayn falkan,” ayuu yidhi Mr Poroshenko.

Nooca Gantaalka lagu Riday Diyaaradda
Nooca Gantaalka lagu Riday Diyaaradda

Masuulka ugu sarreeya Sirdoonka Ukriane, ayaa falka diyaaraddan lagu soo riday ku eedeeyey laba sarkaal oo ka tirsan Sirdoonka Ruushka oo uu sheegay inay ka hawl-galaan deegaamo ka tirsan Bariga dalka Ukraine.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Valentyn Nalivaychenko waxa uu eedayntiisa ku daliishaday xog uu sheegay inay ka hayaan codad ay ka duubeen wada-hadal khadka telefonka ku dhexmaray labada sarkaal.

malaysia Airlines Ukraine (1)Malleeshiyaadka gooni-goosatada ee Bariga Ukraine, ayaa beeniyey inay ku lug lahaayeen weerarka, iyada oo sheegay inay rumaysan yihiin in ciidamada Cirka ee Ukraine ay soo rideen diyaaradda.

Sarkaal ka tirsan malleeshiyaadka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin saddex maalmood oo xabbad-joojin ah si baadhitaan loogu sameeyo sababta keentay burburka diyaaradda.

malaysia Airlines Ukraine (4)Hoggaamiyahan oo la yidhaahdo Alexander Borodia, ayaa wakaaladda wararka ee RAI-Novosti u sheegay inay wada-xaajood kala yeesheen saraakiisha dawladda Ukraine xabbad-joojin si loogu gurmado burburka diyaaradda. Waxaanu sheegay inay oggolanayaan in ururrada Caalamiga ahi ka hawl-galaan gobolka.

Yaa lagu tuhmay Masuuliyadda Masiibadan

Todobaadkan horaantiisii, waxa ay maleeshiyaadku sheegteen masuuliyadda laba diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine oo ay ku soo rideen Gantaalada lidka diyaaradaha.

Charles Heyman oo ah khabiir ka faallooda arrimaha Gaashaan-dhigga, ayaa isagu rumaysan inay ciidamada Dalka Ukraine ka dambeeyeen toogashada diyaaradda.

malaysia Airlines Ukraine (6)“Waxay u muuqataa in aanay wali waxba kala caddeyn. Waxa suurto-gal ah in Ciidamada Cirka Ukriane u qaateen inay tahay diyaarad milatari oo aanu ahayn diyaarad rakaab, dabadeedna ay toogteen,” waxa uu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishan SKY NEWS ee laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Bishii July ee Sannadkan, ay ahayd markii la waayey diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo siddey 300 qof, taas oo ka kacday garoonka diyaaraaha ee magaalada Kuala Lumpur. Dadka rakaabka ah ee diyaaraddan Saarnaa ayaa badankoodu ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha oo diyaaraddu ku sii jeedday. Baadi-doon iyo isku-deyo tiro-beelay oo waddamada Caalamku ka sameeyey Biyaha badweynta Hindiya oo la tuhunsan yahay inay ku burburtay, ayaa lagu guul-darraysay, ilaa immikana waxa ay noqotay masiibo saamayn ku yeelatay dunida oo hadal-haynteedu reebtay Taariikh lama-ilaawaan ah.

 malaysia Airlines Ukraine (12)

Dhacdooyinka La mid ah Masiibadan ee hore loo diiwaan-geliyey

– April 20, 1978: Korean Airlines Flight 902, oo u kala duulaysay magaalooyinka Paris iyo Seoul oo ku safraysay hawada sare ee dal-weynihii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti, ayaa ganay gantaal, haseyeeshee ma burburin waxase khasab noqotay in diyaaraddaas la fadhiisiyo. Laba ka mid ah 97 Qof oo diyaaradda Saarnaa ayaa dhintay.

– September 1, 1983: Korean Air Lines Flight 007 ayaa la toogasho lagu soo riday iyada oo dul-maraysa hawada sare ee dalweynihi Midowga Soofiyeen. 240 qof oo rakaab ah iyo 29 shaqaalihii diyaaradda ah ayaa ku dhintay.

July 3, 1988: diyaarad laga leeyahay dalka Iran oo sumaddeedu ahayd Flight 655 hawada sare lagu toogtay ka dib markii Markab uu leeyahay dalka Maraykanka oo ku sugnaa biyaha Gacanka Persia uu gantaal ku ganay, waxaana shilkaas ku dhintay 16 qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa iyo 274 Rakaab ah.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net