Xogo dheeraad ah oo ku saabsan Masiibadii ka dhacday Dooxa Agabar + SAWIRRO

Hargeysa, (SLpost)- Waxay ahayd xalay saqdii dhexe markii ay masiibo dad badan ku dhinteen ka dhacday deegaanka Agabar ee woqooyiga magaalada Hargeysa.

Laba baabuur oo ay saaran yihiin rakaab dumar u badan oo ku socday dalka Jabuuti ayuu qaaday daad ka soo rogmay dooxa Agabar ee agagaaarka tuulada Agabar oo masaafo 41 Km ah  dhinaca Woqooyi ka xigta caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Rakaabkii labadan baabuur oo badankoodu dumar ahaayeen ayaa ku dhintay masiibadan in kasta oo ay jiraan qaar ka mid ah raggii gaadiidkaas saarnaa ay ka badbaadeen.

Markii dhacdadan la maqlay, waxa goobtaas ku baxay masuuliyiin ka socota xukuumadda Somaliland oo ay ku jiraan Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Waxbarashada, wasiir-ku-xigeenka caafimaadka, dhakhaatiir iyo dadweyne kale oo ka tagay magaalada Hargeysa.

Tirada maydadka goobta laga helay ayaa ahaa 12 qof oo toban ka mid ahi 10 dumar yihiin kuwaas oo  laga soo saaray baabuurta dhexdooda halka labada mayd kale la awoodi waayey in maydadkooda la soo saaro maxaa yeelay waxa ku dul fadhiyey baabuurta daadku qaaday, waxaana loo dalbaday gaadiidka wiishashka loo yaqaan si looga dul-qaado.

Labadan Baabuur ayaa markii hore siday isku-darkooda 27 qof, waxaana ka badbaaday 14 qof, iyada oo maydadka dad dhintay la hayo 12 ka mid ah halka ka 13aad uu yahay maydka wiil yar oo ilaa haatan la la’ yahay.

Maydadka tobanka haweenka ah ayaa la keenay cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Haddanu nahay bahda SomalilandPost, waxaanu tacsi u diraynaa dhammaan Ehelladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, Geeridaa naxdinta leh oo ku timi Marxuumiinta ku nafwaayey Masiibada Daadadkaas. Waxaanu Illaahay uga baryeynaa inuu dhammaantood naxariistii Janno ka waraabiyo. Aamiin…..

Haddaba halkan ka daawo sawirrada masiibada ka dhacday Dooxa Agabar.

2

4678889

masiibo (1)masiiboo (2)masiibbo (5)

Sawirrada oo Dhammaystiran ka daawo halkan hoose

(Masiibadii Dooxa Agabar 1)  iyo   (Masiibadii Dooxa Agabar 2)

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net