Xoghayntii Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Loo Xidhay Wariyayaashii Shalay La Weeraray

Hargaisa(Slpost) ciidamada Booliska Somaliland ayaa falkii weerarka ahaa ee lagu qaaday habeen hore labada weriye ee ka hawl gela bulsho tv u xidhay Xog-hayntii wasiir cali mareexaan oo lagu magacaabo Maxamed Axmed, ciidamada Booliska ayaa baadi goob ugu jira nimankii kale ee la socday ninkan oo iyagu nabarka u geystay weriye cabdiweli yuusuf.

abaara 12:00 kii duhurnimo ayay ciidamada boolisku ninkan ka qabteen agagaarka hotel impirial ee magaalada hargaisa, waxaana hada uu ku xidhanyahay Xarunta saldhiga KOOD-BUUR ee magaalada hargaisa. xadhiga ninkan ayaa waxaa si aada uga soo shaqeeyay gacana ka geystay taliyaha saldhiga Ibraahin kood buur ee magaalada hargaisa Kabtan BEDEL oo isagu watay ciidanka ninkan xidhay.

warar kale ayaa sheegaya in Wasiir Cali Mareexaan Dalbaday inuu damiinto Eedaysanahan isagoo leh waxaan keenayaa cidii dhaawacan geysatay,

si kastaba ha ahaatee waxa aynu ka dhursugaynaa talaabada tan xigta ee ciidamada booliska iyo bahda cadaaladu ka qaataan ninamkan weerarka geystay, iyadoona ay xusid mudantahay In TALIYE BEDEL balan qaaday inuu soo qabqaban doono nimankii iyagu falkan geystay ee ninkan xabsiga ku jiraa watay.