Xoghayihii Siyaasada Ee Iska Casilay Xisbiga Waddani Oo Amaanay Guddoomiye Cirro

Hargeysa(SLpost)-Xoghayahii siyaasada ee xisbiga Waddani Maxamuud Raage ayaa amaan u soo jeediyay xisbiga Waddani iyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu ka tilmaamay shaqo ka tagidiisii mid la xidhiidha hawlo u gaar ah.

Waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu so dhigay barta bulshadu ku lanto ee Facebook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan”Ssalaan dabadeed sidaa la socoteen waxaan iska Casilay Xilkii Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani, sida aad ku arkeyseen qoraalkaygii koobnaa wax deelqaaf ah kumaan soo gudbin, mana laga yaabo in aan Ragii iyo Dumarkii walaalahayga ahaa ee qiimaha badnaa ee aan mudada kooban wada shaqeynay aan maago ama aan meelkadhac ku sameeyo.

Waxaan mareegaha maxaliga ah ku arkayey in siyaabo badan loo tarjuntay shaqo ka tegidaydaa, haw badnaayeen been abuur, aflagaado, buhtaan iyo wax aan raad lahayn.

Waxaan leeyahay waar waa la doogi ee yaan la dacaroon, anigu Gudoomiye Cabdirahman waa nin aan saaxiib nahay, aniga iyo isaga ayaa shaqada wada bilawnay oo aan cidna na qasbeyn , wuuna ka dheregsan yahay waxa aan shaqada uga tegay, waa nin aad u qiimo badan oo afkiisa iyo adinkiisaba laga nabad galo,

markaa ninkii wax taraya waxa uu u baahan yahay in dad loo kasbo, ee marnaba aflagaadeynta odayaashu isaga waxba u tari mayso.

Dadka aan ku bartay Waddani waa dad qiimo iyo qaayo badan waa dad wada ehelkay ah, waa dad xigto iyo qaraabo ah, lagama yaabo in aan aflagaadeeyo, waayo waxaan u arkaa in aan anigu is aflagaadeynayo.

Guud ahaan Xisbiga waxaan u aqaan xisbi Qaran oo ka mid ah hantida qaranka Somaliland mana ku tilmaamayo waxaanu ahayn, Waxaan ixtiraamayaa dadka qiimaha badan ee maal iyo mood kaga jiro mana doonayo in aan wax u dhimo.

Ugudanbeyn dadkii i taageeri jiray aad baan ugu mahad celinayaa mudo kooban siyaasada waan ka nasan waxaana idiin soo sheegi cida aan lka shaqeyn doono mustaqbalka.”