Xoghayihii Qaramada Midoobay Wakhtigii Maraykanku Galay Somaliya Boutros -Ghali Oo Geeriyooday

Us(SLpost)-Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros -Ghali ayaa geeriyooday.Wuxuu geeriyooday isagoo ah sagaashan iyo saddex jir.

bbc

Dhimashadiisa ayaa waxaa xaqiijiyay Rafael Darrio Ramirez Carreno oo ah madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Mr Boutros-Ghali oo Masar u dhashay ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo carab ahaa oo qabta jagada ugu saraysa ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu shaqada bilaabay 1992 iyadoo saamaynta Qaramada Midoobay ay kordhayso isagoo hayay xafiiska shan sano.

Waqtigiisii waxaa ku soo aaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, Yugoslavia iyo dagaal ka socday Bariga Dhexe.

Waxaa lagu dhaleeceeyay inuusan waxba ka qaban xasuuqii Rwanda ee 1994.

Shan iyo tobanka waddan ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka ayaa u qabtay hal daqiiqo oo aamusnaan ah.

Xigasho BBC