Xoghayihii Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI oo Xorriyadooda dib u helay iyo Dareenkooda

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka  ah ee WADDANI, ayaa gobanimonews u xaqiijiyey in goordhaweyd xabsiga magaalada Mandheera ay ka soo baxeen xoghayihii guud iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI oo muddo todobaad gaadhaysa xidhnaa, kaddib markii ciidanka amaanku taxaabeen 17-kii bishan November.

Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar ayaa loo xidhay arrimo la xidhiidha in ay abaabulayeen dibad-baxyo sharci darro ah oo guddoomiyaha xisbiga waddani ugu baaqay taageeraashiisa.

Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis ayaa wariye ka tirsan Gobanimonews oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay u sheegay “haa waa la soo daayey waanay fiican yihiin, waanay caafimaad qabaan”ayuu si kooban u sheegay Xoghayuhu.

Geesta kale Afhayeenka xabsiga laga soo daayey oo hadal kooban ka jeediyey madal lagu wareejiyey hogaanka xisbigaasi, kaddib markii xabsiga laga soo gelbiyey, ayaa yidhi “aad iyo aadbaan ugu mahad-naqaynaa cid kasta oo qallin iyo qowlba noogu hiilisay. xoriyadayadiina waa helnay, gadaalbaynu isaga warami doonaa inshaallah”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.

Geesta kale, warku wuxuu intaasi ku daray in la sii daayey Nin kale oo isna arrimo siyaasaddeed u xidhnaa  Muj Cabdi Ibraahim oo lagu naanaysay Ila meerayso.

Waxa laga soo daayey oo ay ku xidhnaayeen xabsiga magaalada Mandheera, halkaasoo intii ay ku xidhnaayeen hal mar maxkamada la keenay.

Wajigooda iyo lebiskooduba waxa uu ahaa mid caadiya waxaana laga dareemayey in ay ku riyaaqeen helida xoriyada, kaddib todobaad ay xidhnaayeen.

Soo daynta xubnahan ayaa saacado kaddib, markii ay culimo dhexdhexaadinaysay dawladda iyo mucaaridku sheegeen in madaxweynuhu ka aqbalay in masuuliyiinta iyo taageearayaasha xisbiga WADDANI ee xidhan la sii daayo.

Ugu dambeyn khilaafka xukuumadda iyo mucaaridka u dhexeeya ayaa muuqda si tartiib-tartiiba u soo afjarmaya, maadaama oo aanay labada dhinac midkoodna dacwad u gudbin dariiq sharci oo yooyootanku ku sii socon karo.

 

@GNA