Xoghayihii Guud ee WADDANI oo ka hadlay Go’aanka uu ku wejahayo tallaabada xil-ka-qaadistiisa

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii Guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo xisbigaasi shaaciyey inay xilkii ka qaadeen kaddib kulan deg-deg ah oo shalay ay isugu yimaaddeen Guddiga fulinta, ayaa ka hadlay sababihii xil-ka-qaadistiisa iyo mowqifka shaqsi ahaan uga meel yaalla ee uu ku wejahayo go’aankaas.

Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu isagu yahay wali yahay sharci ahaan Xoghayaha Guud ee xisbiga isla markaana xilka lagaga qaadi karo oo kaliya Shirweynaha Xisbiga.

Mr Uurcadde waxa uu dhinaca kale dhaliilo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu ku eedeeyey inuu u badheedhay sidii uu u burburin lahaa Xisbiga.

FAAHFAAHINTA WARKAN, KA DAAWO MUUQAALKAN