Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala Nairobi

Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA
Xoghayaha SOLJA

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariiste Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii Qalliin lagu sameeyay si loo daaweeyo dhaawacyo dhabarka iyo Madaxa ka soo gaadhay.

Xoghayaha ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo Maalintii Khamiistii ka soo gaadhay Shil Baabuur oo duleedka Berbera ka dhacay,waxa kale oo Shilkaasi ku dhaawacmay Gudoomiye xigeenkii Ururka Solja iyo Wariye Cabdicasiis Bashiir oo dhaawacyadoodu fududaayeen.

Alle ha u naxariistee, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii hoggaanka ka soo qabtay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ee ku sifoobay u-dagaalanka xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda Suxufiga iyo Saxaafadda.

Bahda Shabakadda Somalilandpost.net, waxa ay tacsi tiiraanyo u dirayaan dhammaanba Ehelkii, Qaraabadii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee Marxuumku ka baxay, waxaananu Ebbe uga baryeynaa naxariistii Janno inuu ugu deeqo. Aamiin…………… Aamiin……….Aamiin