Xoghayihii Guud & Afhayeenkii Xisbiga Waddani oo Xabsiga Loo taxaabay iyo Ciidamo la wareegay Xaruntii Dhexe ee Xisbiga

 

Hargeysa (SLpost)- Ciiammada Ammaanka ayaa caawa Xabsiga u taxaabay Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, sida uu xaqiijiye Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo bartiisa Facebook ku baahiyey xidhista saraakiisha xisbigiisa.

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghaye Khadar, ayaa ciidamadu boolisku qabteen daqiiqado kaddib markii uu soo idlaaday Shir-jaraa’id oo uu Barkhad ku qabtay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, kaas oo uu ku sheegay inaanay waxba iska beddeli baaqii uu Dr Cirro ugu jeediyey taageerayaasha Xisbiga inay maalinta Berri ah Isugu yimaaddaan Xarunta Dhexe ee Xisbigu ku leeyahay Hargeysa.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa shirkiisa jaraa’id dhaliilo ugu jeediyey Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco oo uu ku eedeyey inuu ku hawlan yahay dhaq-dhaqaaqyo uu ku maleegayo falal ka dhan ah ammaanka Caasimadda oo sida uu sheegay ka dhan ah isu-soo-baxa Taageerayaasha Xisbiga Waddani.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani

Ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan xadhigga saraakiisha Xisbiga Waddani oo ka soo baxay hay’adaha Ammaanka iyo masuuliyiin ka hadashayba marka laga yimaaddo xaqiijinta guddoomiye Cirro ku faafiyey bartiisa Facebook.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay inay la wareegeen Xarunta Xisbiga Dhexe ee Waddani oo maalinta Berri ah lagu ballaamiyey Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Caasimadda.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

https://youtu.be/3uGhptKkZis