Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee UCID oo Shaaciyey Is-casilaad uu u Nisbeeyey Hadal Ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbigaas

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa shaaca ka qaaday inuu Iska casilay xilkii uu ka hayey iyo xubninimadiisii Xisbigaas, waxaanu go’aankiisan ku sababeeyey mid fal-celin u ah hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe.

Cabdi Maxamed Saleebaan oo xilkan xisbiga uu hayey muddo sannad iyo badh ah, waxa uu is-casilaadda u nisbeeyey hadal guddoomiyaha UCID dhowaan ku sheegay inay xisbi mucaarad ahaan wada-hadal la furi doonaan dawladda Somaliya haddii Xukuumadd madaxweyne Siilaanyo isku koobto xubnaha Somaliland u metalaya wada-hadallada labada waddan.

MingisteXoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u qornaa sida tan:-

“Runtii waa wax lala yaabo,hadalka Gudoomiyaha  Xisbiga UCID,ee ah  Xisbiyada Macaaridka ah waxay  wada hadalo la furayaan  Dowlada Soomaaliya. Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashada,inta lagu dhawaaqin hadalka

• Ka dib markaan la tashaday taageerayaashayda. Siyaasadeed.

• Ka dib markaan arkay in ay gebi ahaanba meesha ka baxday wada tashigii—wada shaqayntii  iyo istixgelintii Xisbinimo.

• Ka dib markaan arkay in Xeerarkii, qabdhismeedkii  Xisbiga UCID  ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah.

Waxaan go’aansaday in maanta oo taariikhdu tahay 06.01.2014 aan si rasmi ah isaga casilo Xilkii  aan ka hayey Xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka  Gobolada, Xilkii Guddida Fullinta iyo Xubinnimada Xisbiga  oo la ii magacaabay 12.07.2012.

Ugu dambeyn, waxaan halkan uga mahad-celiyaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba wada shaqaynay muddadii aan Xilka hayey.”

Maaha markii u horreysay ee masuuliyiin xilal sare ka haya xisbiga UCID ay kaga dhawaajiyaan is-casilaad iyo inaanay ka sii mid noqon doonin xubinimada Xisbigaas, waxaana masuulkan ka horreeyey xog-hayihii Guud ee Xisbigaas Axmed-Keyse oo dabayaaqada sannadkii hore shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xisbigaas.

SOMALILANDPOST.NET