Xoghayaha Xisbiga WADDANI Oo Xukuumada Eedo Uga Soo Jeediyey Xadhiga Xafiisyo Xisbigoodu Leeyahay, Sicir-Bararka Iyo Shaqaalaha Dawlada Ee Ololaha Kulmiye Ka Muuqda

uurcadeHargeysa (SLpost) – Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa sharci daro ku tilmaamay in ciidamo lagu wareejiyo oo la xidho Xafiisyadii xisbiga WADDANI uu ku lahaa magaalooyinka Gabiley, Nasiye iyo Qoyta, waxaanu xukuumada Kulmiye ugu baaqay in si dhakhso ah ay uga qaadaan ciidamadaasi.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin sharci daro lagu xidho Xafiisyadooda, taageerayaashooda iyo Masuuliyiintooda gobolada dalka u joogta.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu xukuumada ku eedeeyey inay masuul ka tahay shaqaalaha dawladda ee ololaha xisbiga Kulmiye ka dhex muuqda iyo Sicir-bararka naafeeyey dalka inay iyadu masuul ka tahay, isagoo arimahaasi ka hadlaya Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani waxa uu yidhi “Gabiley si sharci daro ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka oo hanjabaad iyo cago juglayn ah ayaa ciidankii qaranka xafiiskii Waddani loogu wareejiyey, iyadoo muwaadinkii uu ka kireeyey nootaayadii ay kala qorteen wax ka dhimanina aanay jirin, muwaadiniina ay yihiin dalka leh, xaqna u leh cidina aanay u diidi karin.

Waxaanu xukuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiyeba uga digaynaa oo aanu leenahay si degdeg ah ha uga qaadaan ciidankaa ay ku xeereen hadii ay ka qaadi waayaan sharci darada xisbiga Waddani marna ma aqbalayo, wax waloo ay ku kalifaysana yeeli maayo wax sharci daro ah iyo caga-juglayna in Kulmiye iyo xukuumada oo isku duubani ay sameeyaan, kana aqbali mayno Gabiley iyo Qardho-toona ka yeeli mayno.

Waxa soo baxday oo iyaduna layaab leh in roogag loo dhigayo Wasiiradii, inamadii Madaxweynuhu magacaabay in roog cas loo dhigayo, Madaxweyne ku xigeenkiina sacabada lagu soo dhaweynayo, taasi waxa ay ina tusaysaa nidaamka baaba’ay iyo kala dambaynta baaba’day iyo hogaankii dalka oo la barbar ordaayo, wixii ummaddu dooratay oo la barbar ordaayo oo inamo yari siday doonaan ay u socdaan, waxaanu leenahay ha loo soo noqdo nidaamka dawladnimo ee dalkani ku dhisan yahay iyo borotokolka, hadaad diidaana inaad raacdaan waxaad noqon doontaan inmo sidayada suuqa jooga, waanu ka digaynaa in arintaa foolxumadeeda mar dambe aduunyadu daawato.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey shaqaale aan mushahar qaadan iyo Sicir-bararka naafeeyey bulshada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa kale oo jirta in qaar ka mid ah shaqaalihii dawladu aanay qaadan mushaharkii oo wax kale daayoo mushaharkii yaraa aanu wax kale u goynayn oo xukuumadu sicir bararka ay dulsaartay oo ay baabiisay, hadana wixii yaree ee koobka shaaha ah goyn la’aa aanay ilaa maanta ragga qaarkii aanay qaadan inta qaadatayna ay goor dambe qaadatay, waxaanu ka digaynaa oo Kulmiye uu odhan jiray markay dalka qabsadeen ‘Shaqaalihii Dawladda oo deyn lagu leeyahay ayaanu nimid’, waxaanu maanta arkaynaa in tii ay sahad-sanayeen ku socoto Somaliland, sicir-bararka iyagaa wadda oo way ugu talogaleen natiijadiisana waynu ogaan doonaa waxay ku dambayso oo in badan ayaanu ka hadalnay, waayo uma jeedaan oo dhago wax maqlayaa meesha ma joogo oo waa nimankaa lacagta kicinaya ee shacbiga iyo ciidamada iyo danyarta ku kicinaya, oo waxaanu leenahay waar Illaahay ka baqda oo ummadiina u naxariista oo lacagtan aad suuqa ka sarifaysaan joojiya oo bangiga lacagta ku shuba, adhiga waligeedba waa la xidhi jiray sicir-bararkuna waligii heerkaasi muu gaadhin, xukuumadaana wada oo wasiiradaa wada.”

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlayey Shaqaalaha dawlada ee ololaha xisbiga Kulmiye ka dhex muuqda ayaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo iyaduna soo baxaysa in olole ay ku jiraan Maareeyeyaal, Agaasimayaal in dhamaan shaqaalihii xukuumadu uu si toos ah ugu jiro olole oo uu ka ololaynayo bari iyo galbeedba, Madaxweyne ku xigeenkuna amar bixiyey laakiin aan amarkii la raacayn, waxaanu leenahay waxa uu dalku dal ku yahay, dadkuna ay dad ku yihiin, xisbiyaduna ay xisbiyo ku yihiin waa nidaamka, Kulmiye nidaamka ha u soo noqdo.

Calamada iyo Xafiisyada uu xidhaayo ee Waddani leeyahay ee ku yaala Qoyta, Balan-bale, Nasiye iyo kuwaa Gabiley ee ay ciidanka ku wareejiyeenba waxaanu leenahay calamadiina halkooda ha ku celiyaan waa calan qaran calanka xisbigu leeyahay, calan aad dajisaana idiin codayn maayo, waxaan leeyahay sidii UDUB u samirtay Kulmiye ha u samro oo ha iska daayo gabgabata iyo calamada uu ku meeraysanayo iyo xafiisyada uu kolba xidhxidhayaa cod u keeni mayso, markaa sidii udub u samirtay ha u samraan waa cadceed dhacday Kulmiye oo wakhtigiisu wuu dhamaaday oo yaanu dadka dambaaburo kaga tagin iyo dhibaato intaa uu gaadhsiiyey ayaa ka badan, ummaddanina maanta diyaar uma aha dhibtaa gaadhay in dhib kale ugu darto oo mar kale ay doorato.” Sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

https://www.youtube.com/watch?v=ZQ6IqsalRv8&feature=youtu.be