Xoghayaha Xisbiga Kulmiye oo Saaxil oo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay Danayste Shacabka reer Berbera uga faa’idaysta Ololeyaashii Siyaasadeed (DAAWO)

Berbera (SLpost)- Xoghayaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Cali Maxamed Muuse, ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ku eedeeyey inuu shacabka gobolkaasi ula tago hadallo aan munaasib ahayn oo aan baahidooda ka tarjumayn marka uu socdaalka ku tago xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Xoghayaha Kulmiye oo Saaxil oo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay Danayste Shacabka reer Berbera uga faa’idaysta Ololeyaashii Siyaasadeed (DAAWO)Xoghayaha Kulmiye ee Saaxil waxa uu guddoomiyaha ku dhaliilay inaanu ka hadal danaha iyo rabitaanka baahiyaha shacabka gobolkaas oo Md Cirro laga doortay doorashadii Golaha Wakiillada Sannadkii 2005-tii isla markaana magaaladaas tego marka uu ogolaha siyaasadeed raadinayo.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay magaalada Berbera, halkaas oo taageerayaasha magaaladaasi si ballaadhan ugu qaabileen, isla markaana munaasibad lagu qabtay xarunta xisbiga ee Berbera lagu soo dhaweeyey taageerayaal ka diga-rogtay xisbiga Kulmiye oo ku biiray Waddani.

Hadalka Xoghayaha Kulmiye ee Saaxil, ayaa jawaab u ah dhaliilo uu Guddoomiye xukuumadda ugu jeediyey khudbad uu shalay ka jeediyey munaasibad xisbigu ku qaabilay taageerayaal cusub oo xisbiga Kulmiye ka diga-rogtay.

HALKAN KA DAAWO HADALKA XOGHAYAHA KULMIYE EE SAAXIL