Xoghayaha Maaliyada Ee Xisbiga UCID Oo Sheegay In Falkii Shalay Lagula Kacay Ardayda Jaamacadda In Uu Ahaa Wax Aad Looga Xumaado Wasiir SamSam na Hawadda Umarisay Farriin,

Hargeysa(SLPOST):-Xoghayaha Maaliyadda ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid, ayaa wasaaradda Waxbarashada ku canaanatay talaabadii laga qaaday ardaydii jaamacadda Hargeysa ee xabadda iyo xadhigga la isku raaciyey.

Faadumo-Siciid

Faadumo Siciid, oo maanta saxaafadda kula hadashay Hargeysa, ayaa sidoo kale si gaar ah farriin ugu dirtay Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somalilnad, Samsam Cabdi Aadem.

Faadumo oo arrimahaasi ka hadlaysaana waxay tidhi “Falkii foosha xumaa ee shalay dhacay ee dhalinyarada Somaliland ee muwaadiniinta sida xun loo galay ee jidh dilka aadka u foosha xun lagu sameeyey xabsiyadana lagu  guray ee ciidanka RRU-da iyo SPU-da loo dalbaday, waa mid ay aad uga xumaadeen mujtamaca Somaliland dibad iyo gudaba, dhalinyaradu wax way diidi karaan,  mudaharaadna way samayn karaan , waayo waa xaq uu qofku leeyahay inuu sameeyo marka uu wax ka dhiidhiyayo, boodhadhkoodii-bay siteen, waanu la yaabanahay sababta ciidanka SPU-da ah loogu diray…”

Marwo Faadumo Siciid, waxay farriin u dirtay Wasiirka Waxbarashada “Wasiirka waxbarashada waxaan leeyahay wakhtigii aad mucaaradka ahayd waxaad ka shaqayn jirtay xuquuqal iinsaanka, waxaanad u doodi jirtay dhalinyarada haweenka, ma markii aad kursiga ku fadhiisatay ayaad ilawday oo aad xaga dambe ka xoortay”ayay tidhi.

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland