Xoghayaha Guud ee SOLJA oo Ka Warramay Rejada uu Ka Qabo Inuu Saxaafadda Somaliland Taageero uga helo Shirka Midowga Afrika

Addis Ababa (SLpost) – Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed faarax oo magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirka midawga Afrika ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu taageero iyo tobabaro uga helo Suxufiyiinta Somaliland dawladaha Afrikaanka ah iyo dumlamaasiyiinta waddamada deeqbixiyayaasha ah ee ka qayb galay shirkaas.

Maxamed Rashiid oo maanta saxaafada ugu waramayay  xarunta midawga Afrika ee shirku ka socday ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Shirkani wuxuu muhiimad noogu leeyahay urur ahaan ololaha aanu dhexdiisa ugaga jirno inaanu fursado uga helo cid naga caawisa waxbarashada iyo tobobarada weriyayaasha reer Somaliland  oo mudadaa sanadka iyo dheeraadka ah ee aanu xilka hogaanka Solja haynay aanu waynay cid naga caawisa afartameeyo weriye oo jaamacada Hargaysa qorshuhu ahaa inay ku bartaan xirfada saxaafada ee masaafada fog, “Distance learning’ oo jaamacad Maraykan ahi bixinayso casharadda. taas  oo sanadkii horena  na dhaaftay markaanu kharashkaa cid naga taageerta u wayanay  sanadkana bisha 2-aad ee Febaury badhtamaheeda bilaabmaysa oo haddii aan kharashkeeda la helin  ina dhaafaysa iyo kharashka labaatan weriye  oo aanu filaynay in loo dirno dalka Kenya ee aynu jaarka nahay oo  aanu kala xidhiidhnay shirkada caalimaga ah ee Maxamed Foundation,.

maxamed rashiidSidoo kale, waxaa qorshuhu ahaa oo aanu dedaal ugu jirnay in xarun warbaahineed (Media center )in loo helo weriyayaasha Somaliland cid u dhista oo kharashkeeda inaga bixisa si ay ugu fududaato helida tobobarada iyo gudashada waajibaadkooda shaqo. Ta kale, maadaama oo xadhiga weriyayaasha Somaliland uu aad u sii kordhay labadadii sano ee u danbeeyay waxaanu isku hawlaynay sidii aanu u heli lahayn  cid weriyayaasha Somaliland ka taageerta dhinaca kharashka looyarada iyo kharashka sii dayntooda weriyayaasha gaar ahaan kuwa gobolada si  xuquuqdooda Loo difaaco. Dhamaan baahiyahaas taageeridooda UN-ta iyo deeq bixyayaashaba wakhti hore  ayaanu ka codsanay oo weli  waxba noogama hirgalin xitaa qolyahoodii balan qaadyada noo sameeyay oo aanan ilaa hada garan Karin waxa xanibay amaba hor is taagay. Balse, arrimahaas waxaan rajo wayn ka qabnaa inaanu fursad uga heli karo dawladaha Afrikaanka ah ee madaxdoodu shirkan kasoo qayb galayso.

Dhinaca kalana, waxaan u mahad naqayaa ururka Suxufiyiinta ee Journalists for African Renaissance (JAR) oo Muha Daahir Faarax Jire gudoomiye ka tahay, kaas oo ururka Solja u sahlay inaanu shirkan ka soo qayb galo.” Sidaas Ayuu hadalkiisii kusoo xidhay xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

SOMALILANDPOST.NET