Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Is Casilaada Wasiiradii Tirada Badnaa Ee Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa is casiladii wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay warbixin uu u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Warbixintan oo uu xoghayaha guud toddobaadkan jeediyay oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, wuxuu Mr. Ban Ki Moon golaha ammaanka ugaga xog-waramayay xaalada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu warbixintiisa qaybta Somaliland ku sheegay in wasiirada iska casilay dawladda Somaliland ay ka soo horjeesteen taageero uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay murashaxnimadii guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. “Somaliland, madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu 10 September soo saaray digreeto uu ku dejiyay inay doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanku dhacaan 28 March, 2017.” ayuu Mr. Ban Ki Moon ku yidhi warbixintiisa.

Isagoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ka hadlaya is casilaadii wasiirada wuxuu yidhi, “26 Oktoobar, sagaal wasiir oo ay ku jiraan wasiiradii arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, madaxtooyada, cadaaladda iyo afhayeenka dawladda, ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen si ay u muujiyaan inay ka soo horjeedaan taageero la sheegay in Madaxweynaha Somaliland taageeray murashaxnimada guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Is casilaado kale ayaa iyaguna ku xigay.”

Wuxuu xoghayaha guud intaas raaciyay, “Xisbiga KULMIYE wuxuu 10 november qabsaday shirkiisii golaha dhexe ee mudada dheer la sugayay, waxaana la doortay murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka. Xisbiyada ayaa iyagana la rajaynayaa inay murashixiintooda ku dhawaaqaan horaanta sannadka 2016.”

Warbixinta uu xoghayaha guud, qaybteeda Somaliland oo u muuqatay inay sannadkan koobnayd, wuxuu Mr. Ban Ki Moon culayska ku saaray siyaasadda iyo xuquuqal insaanka, gaar ahaan xorriyadda saxaafadda. Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Somaliland xabsiyada dhigeen saxafiyiin kala duwan oo lagu qabsaday warar ay ka baahiyeen xaaladaha siyaasadeed. Wuxuu kaloo sheegay inay Somaliland xidhay afar fanaan oo magaalada Muqdisho ee Somaliya ku soo qabtay bandhig faneed.

Xoghayaha guud waxa uu soo hadal qaaday xiisada u dhaxaysa Somaliland iyo kooxda Khaatumo oo uu sheegay inay Khaatumo 18 September weerar ku soo qaaday ciidamada Somaliland eek u sugan magaalada Xudun.

Xigasho Geeska Afrika