Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo loo magacaabay Ibraahim Axmed Raabbi

xoghayahaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md Cali Maxaed Warancadde, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Ibraahin Axmed Raabi in uu noqdo Xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, kaddib markii uu arkay Xoghayihii hore xil kale loo magacaabay.

Sida lagu sheegay wareegto uu Wasiirka Daakhiligu ku magacaabay masuulkan, waxa uu Md Cali Waran-cadde u cuskaday magacaabistiisa kaddib markii uu arkay baahida loo qabo buuxinta xilkan, kuna qancay aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimadda uu u leeyahay masuulkan cusubi buuxinta xilkan.

Magacaabista uu Wasiirka ku magacaabay xilka Xogahayaha, ayaa ka danbaysay kaddib, markii uu Madaxweynaha Somaliland Isku-dhaan uu dhawaan ku sameeyey golihiisa xukuumadda uu ugu magacaabay Xoghayihii hore ee Fulinta ee Dawlada hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi inuu qabto Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland.

Magacabista Xoghayaha Dawlada Hoose