Xoghayaha Dib U Dajinta Xisbiga Waddani Oo Golaha Wakiilada U Soo Jeediyay Xeerka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka In Wax ka Badal Lagu Sameeyo Si Maayarada Loola Xisaabtamikaro

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha dib u dajinta xisbiga Waddani Jaamac Maxamuud Hilaac ayaa golaha wakiilada u soo jeediyay inay ajandahooda ku soo darsadaan in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka maamulka gobalada iyo degmooyinka dalka, si loola xisaabtami karo maayarada iyo golayaasha deegaanka ee dalka.

xoghaye Jaamac Hilaac waxa uu soo jeediyay in cod haldheeri ah xilka lagaga qaadi karo maayarka iyo ku xigeenkiisa, isla markaasna golayaasha deegaanka la kala diri karo hadii loo arko in aanay wax qabad lahayn.

waxaan isaga oo warbaahinta masuulkani la hadlaayay uu yidhi “Waxaanu golaha wakiilada u soo jeedinaynaa inay ajandahoodan furmay ku soo darsadaan xeerka maamulka gobalada iyo degmoohyinka oo u baahan in wakhtigan lagu sameeyo isbadal iyo kaabis, xeerkan oo 2002-dii la sameeyay oo horena shan goor wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyay waxa uu u muuqdaa mid aan wakhtigan xaalada adag ee ka taagan dawladaha hoose waxba ka tarayn, gaar ahaan degmooyinka A iyo B, si degmooyinka dalka loogu sameeyo dawlado hoose oo daboolikara baahyaha looga baahan yahay, waxa muhiim ah in xeer la dabaqikaro loo sameeyo oo dib loogu noqodo xeerkii hore.”

xoghayaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“tusaale ahaan qodoba 66-aad ee xeerkaasi waxa uu sheegayaa qaabka loo badali karo maayarka iyo ku xigeenka, oo ah cod sadex meeloodow laba meelood ah, taas oo ku adkaysay golayaashii deegaanka inay maayarkii badali karaan hadii waxii loogu talo galay uu qaban waayo, waxaan soo jeedinayaa in maayarka iyo kuxigeenkiisa lagu soo celiyo cod haldheeri ah in xilka lagaga qaadi karo. sida oo kale waxa u baahan in dib loo eego qodobka 29-aad oo isaguna caqabad ku ah in la kala diri karo golayaasha deegaanka hadii ay qaban waayaan waxii loo doortay, waxaanu qorayaa in 5000 cod degmooyinka A iyo B ay dadku ku badali karaan, taas oo aad u adag, golaha wakiilada oo ku mashquulsan xeerarka dawlada dhaxe waxaan u soo jeedinayaa inay dawladaha hoose u soo jeestaan si horumar loo heli karo.”