Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera oo koob ka guddoomay ururka Khayr iyo Barako ee dalka Finland + SAWIRRO

GGGLGBerbera, (SLPOST) —Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa xalay Koob ka Guddoomaym Guddoomiyaha ururka Khayr iyo Barako oo xaruntiisu tahay dalka Findland.

Munaasibadda uu Xoghayuhu koobka kula wareegay oo ka dhacday Xafiiska Xoghayaha ee dawladda Hoose waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee dawladda Hoose ka koobantahay.

Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ururkooda oo ka diiwaangashan dalka Findland uu ka shaqeeyo taakulaynta dadka tabaalaysan ee Somaliland, islamarkaana ay hore deeqo kala duwan u soo gaadhsiiyeen dalka.

“Ururkayagu waa mid samo-fal, waxaannu hore dalka u soo gaadhsiinay deeqo kaa duwan, imikana waxaa jirta deeq maryo ah oo aan ugu tallo-galay dadka baahan ee Somaliland, oo dhawaan dalka soo gaadhi doonta, annagoo markay timaado idinku wareejin doona wixii aanu idiinkaga tallogalay.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre.

Guddoomiye Xasan waxaa uu ballanqaaday inay si gaara dawladda Hoose ugala shaqayn doonaan sidii ay uga caawin lahaayeen qalabka ciyaaraha .

BBB-768x432 (1)

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan mucaawimooyin uu ururku ugu tallogalay dawladda Hoose ee Berbera oo siin doonta dadka baahan oo dhawaan si dhakhso ah u soo gaadhaya dekedda Berbera, waxaannu intaa ku daray in ay dhawaan dalka yimaadeen isaga iyo Guddoomiye-ku-xigeenka ururka Cabdillaahi Shamaxle Cilmi oo dub ugu laabtay dalka Findland.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Baraki Xasan Cumar Hurre koobka uu soo gaadhsiiyay iyo deeqaha kale ee soo socota, islamarkaana ay tani bilow u noqon doonto xidhiidh wacan oo dhexmara dawladda Hoose iyo Ururka Khayr iyo Barako.

“Waanu idiinka mahadcelinaynaa deeqda aad na soo gaadhsiiseen, waanaan idinka filaynaa inaad sii wadaan caawimada kala duwan ee bulshadiina aad ugu tallogasheen.” sidaa waxa yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid.