Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Suuriya ugu baaqay inuu tixgeliyo Rabitaanka Shacabkiisa isla markaana dhammaaday Jiilkii Hoggaamiyeyaasha Wax Cabudhiya

New York, 15 January, 2012 (SLpost)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon ayaa maanta mar kale ugu baaqay Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al Asad inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo dadkiisa isla markaana uu ixtiraamo rabitaanka shacbigiisa.

Mr Ban ki Moon waxa uu intaas ku daray in dabaysha xornimo doon ee ka soo if baxday dalalka carabta aanay joogsanayn isagoo si gaar ah ugu jeediyay Madaxweynaha dalka Suuriya sidii uu ugu qanci lahaa rabitaanka dadweynihiisa .

Dhinaca kale wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dalka Suuriya ayaa cafis u fidiyay dad badan ee ka soo hor jeeda maamulkiisa kuwaas oo ku jira xabsiyada dalkaasi isla markaana lagu soo qabqabtay mudadii uu kacdoonka dadweyne ka aloosnaa dalkaasi .

Cafiskan ayaa noqonaya kii labaad ee Bashaar Al Asad  uu u fidiyo dadka loo xidhxidhayo qulqulatada wadankaasi ka taagan isagoo doonaya inuu hoos u dhigo xaraarada siyaasadeed ee cirka ku shareeran.

Hasa yeeshee talaabadan uu ku dhaqaaqay madaxweyne Asad waxay ka hor imanaysaa khudbad uu todobaadkii hore u jeediyay shacbiga dalkaasi taas oo uu ku sheegay inuu gacan bir ah ku qaban doono dadka wada rabshadahan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net