Xoghaya Guud ee KULMIYE oo markii ugu horraysay Saxaafadda la hadlay tan iyo wakhtigii la magacaabay + Aragtidiisa Xilka loo igmaday

Xog

Hargaysa (SLpost)-Xoghayaha Guud ee Xisbi-xaakimka Kulmiye oo ka hor intii aan xilka loo magacaabin todobaadkii hore ahaa Guddoomiyaha wargeyska  Jamhuuriya Mr. Xasan Siciid Yuusuf ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadlay aragtidiisa la xidhiidha inuu ku biiro saaxadda siyaasadda somaliland loona magaacabo Xilka Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE ka sakow micnaddiisii Suxufinimo oo uu caqabado dhowr ah kala kulmay intii uu qalinkiisa maalayay.

Xasan Siciid Yuusuf oo waraysi siiyey Wargayska Jamhuuriya waxa uu sheegay in Xisbi ahaan Xukuumadda ay siiyaan tallooyin la xidhiidha sidii ay Xukuumaddu ugu dhaqmi lahayd Istaraajiyada siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE dajiyey, isagoo dhinaca kalena ka hadlay Cabashooyin ka soo yeedhaya Deegaano ka dalka mida, kuwaasoo ku doodaya inay sidii ay KULMIYE ugu liseen aanu u hambayn.

S: Md Xasan Siciid dhawaan waxa laguu magacaabay Xoghayaha guud ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, bal ka waran arragtidaada Xilkan cusub ee laguu magacaabay iyo hawlaha kuu yaalla.?

J: Haa, waa la ii magacaabay Xoghayaha guud ee ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga KULMIYE inta ay ka ansixinayaan Golaha dhexe ee Xisbigu, run ahaantii waa hawl-balaadhan oo uu wadi jirey Alle ha u naxariistee Xoghayihii horre Marxuum Kayse Xasan Cigge oo ahaa Nin aad iyo aad u adag oo hawl-kar iyo Nin aad u dedaal badan ahaa. Aniga hawshani way ugu cusub tahay, laakiin waxaan is leeyahay waad iskala qabsan doontaa hawsha oo balaadhana wax badan waad kala qaban kartaa Xisbiga, kolay anigu maan ahayn siyaasi haddana imika ayaan ku biiray ee Suxufi ayaan ahaa Xaaladaha axsaabta iyo dalkana xog badan ayaan ka hayaa, laakiin waxaan leeyahay Illaahay hawshaa ha ii fududeeyo hawshu way balaadhan tahaye.

S: Madada dheer ee aad ku soo dhex jirtay Saxaafada qallinkaagu inta badan waxa uu u badnaa dhinaca Mucaaridnimada ama soo bandhigidda dhaliilaha dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland oo aad ku noqotay Suxufiga ugu xadhiga badan Somaliland, iyadoo lagu xidhay ilaa 15 jeer imikana waxaad u wareegtay Siyaasad oo waliba Xisbi Xaakim talada haya ayaad gashay. Xanuunka uu lahaa qallinkii kululaa ee aad u adeegsan jirey Siyaasiyiinta hadii adiga la laguu adeegsado mudada aad ku jirto Siyaasada ma dul-qaadanaysaa.?

J: Waa run oo aniga Saxaafada wax badan ayaa iga soo maray mar hadii aan imika siyaasi noqday kolayba anigu ma noqon doono qof Saxaafada cadaadiya ee waxaan noqon doonaa mid taageera oo soo dhaweeya oo weliba u dooda madax-banaanida Saxaafada, hirgelijnta Madax-banaanideeda iyo Dimuquraadiyada. Sidii Saxaafada somaliland iyo Hay´adaheedu u dhismi lahaayeen in xarumo waxbarasho iyo Cilmi baadhiseed iyo mid Saxaafadeedba loo abuuro in Saxaafada la garab gallo waan ka shaqayn doono ee qorshahayga ku jirta ee xataa in Xisbiga KULMIYE qaataa uu horseed ka noqday