Xoghaya Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID oo Faaqidaad ku sameeyey Qodobbadii ka soo baxay Shirkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirradiisa – Q.1aad

London (SLpost) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga UCID Aqoonyahan Maxamed Haaruun Biixi  oo hadda ku sugan dalka boqortooyada ingiriiska ayaa si cilmiyaysan uga hadlay kulankii dhawaan golaha wasiiradda iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada, wuxuuna Mudane Haaruun shirkaasi ku tilmaamay Shil Dhacay oo qosol gariir ku riday carruur iyo cirroole.

Aqoonyahan Maxamed Haaruun wuxuu arrintani kaga hadlay qoraal dheer oo uu maanta nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Shabakadda Somalilandpost.net, waxaana qoraalkaasi isagoo dhamaystiran u dhigna sidani:

“Dawladu miyay waalantahay, mise way soo wadataa? Waxay dhahayaan iyo waxay dhigayaan toona miyaanay dhaadaynin? Mise ciladu docdaasba maaha ee waa dhinaca dadwaynaha? Haa, hadii dadwaynuhu wax is waydiinaayo, oo wixii dood in laga keeno mudan dood ka keenaayo, miyay taniba dhici lahayd? Miyay waxaas oo dhan ku hadli lahaayeen haday dadka wax iskaga tirinayaan? Saw dadku ma aha kuwii shalay uun durbaanada loo tumay ee la iska dhaansaday? miyaa la dooriyay? Haday dadwaynuhu balanqaadyo tiro badan oo wada beenoobay oo lagu sheegay ololihii doorashada qaateen, maantana saw suurtagal maaha in gaajada dharag loogu sheego, oo dhibta dheef loogu sheego, oo Galbeed Bari loogu sheego? Haa, intuba waa suurtagal, markaa ciladu waa dhinaca dadwaynaha! Oo haday ciladu dhinacaasba tahay, oo garashada dadwaynaha ee siyaasiga ahi liidato, oo aanay dadkay meesha geeyaan la xisaabtamaynin, miyay daw iyo diin toona tahay in la iskaga dul socdo?

– Duqu wuxu jeclaan laa

– Midho daray had iyo jeer.

– Duuduub in lagu liqo.

– Waxse se aanu kuba darin.

– In la yidhi ha laga dayo.

– Dirxi inu ku hoos jiro.

Dawladii SL oo shir sadex maalmood ah foodda is dartay, iyo 12 qodob oo, aniga siday ila tahay, aan hal minit na laga fikirin siday u qormayaan iyo micnaha ay yeelanayaan toona. Waan akhriyay oo hadana akhriyay, oo xaga iyo xageerba uga wareegay! Mar waan naxay, marna waan yaabay, marna waan shakiyay oo is idhi malaha dhalinta website ka ayaa qoraalka xumeeyay ee mid kale booqo, mise waaba isla intii uun! Yaab iyo is moodsiis oo dhami se wuxu soo af-go’ay markii aan aakhirkii dhagaystay warkii oo cod ah. Waaba Dhuxul oo afka furtay, oo aad moodo inuu wax sheegaayo, laakiin sida runtu tahay, waxba muu sheegaynin ee wuxuunbuu ahaa ‘nin iska hadlay’! Ged aan laga dhabaynayn, iyo geed kaga kac inay tahay, dhuxul wuu garanayaa.

Goortaan warkii dhameeyay, hal erey uun baa iga soo baxay, waxaanu ahaa, “Alaylehe shil baa dhacay.” Qodobada qoraalka mid-mid baan u dul joogsaday, waxaana ii cadaatay, oo qof kastaba u cadaan kara inaanay 12 ka qodob wadar ahaantoodba wax micno ahba samaynaynin. Ereyada qoraalka loo isticmaalay maaha kuwo la xushay, micnaha uu qoraalku gudbinayaa maaha mid laga fiirsaday, tan uguba daranina, waa inuu warkani xaqiiqada ka aradanyahay! Faalada qodobadu ha ii dambayso, laakiin aan ka horaysiiyo in warkan sadexda maalmood la dhisaayay, siday aniga ila tahay, ayba waraaqaha iyo khadka lagu qoray ka qiimo badanyihiin. Sababtaan sidaas ku idhi falanqaynta hoose ayaan ugu gali, waxan se hal iyo laba erey ka odhanayaa wiilasha madaxtooyada afkeeda ku hadla oo iyaka qudhoodu, sida xaqiiqada ah, ka mid ah shilka dhacay! Wiilashu ma magacyo xuma oo kaliya, (Cukuse iyo Dhuxul), laakiin way shaqo xunyihiin!

Waxyar xasuustaada dib u celi, laakiin ha fogaanin ee 14 bilood uun dib u laabo. Xasuuso bishii August ee 2011 oo wafti Madaxwaynuhu hor kacaayay, oo sida la sheegay China ku socday lagu arkay uun iyagoo Diridhaba fadhiya. Xasuuso Mr Cukuse oo doonaaya inuu sharaxaad ka bixiyo sababta uu waftigu meeshaas aan laga filaynin rarka ugu furtay oo yidhi, “Madaarka Caalamiga ah ee Addis Ababa ayaan wixii shanta galabnimo ka dambeeya shaqaynin, sidaas darted baanan Diridhaba u dagnay ilaa cadceedda barito.” Caruur iyo ciroole waa la wada ogyahay inaanu madaarka Addis ee Boli International la yidhaahaa habeen iyo maalinba kala lahayn, laakiin hadana warka noocaas ah in afka loo kala qaado lagama xishoonin! Miyaanu shil dhacay ahayn? Mr Dhuxul soo qaado. Xasuuso waagii Radio-Kulmiye iyo sidii ay xadkii waryenimada iyo kii ololaynta xisbigu isugu qasmeen ee aan run iyo been loo miidaan dayi jirin! Laakiin shaqadii xiligaas wuu ku macaashay oo maantii Silanyo xukunka qabtayba, horeyba waxa laga geeyay Wasaarada Warfaafinta, markii dambena, Wasiir dhan baa shaqadiisii ku waayay markii ay Dhuxul fooda isla galeen! Taas ka kaalay, Mr Dhuxul wuxu muddo haatan bil laga joogo soo saaray, isagoo dabcan afka Madaxwaynaha ku hadlaaya, dhambaal hambalyo ah oo ku wajahan Madaxwayniha la doortay ee Soomaaliya, waxaana dadkii warkaas akhriyay oo dhami ay judhiiba dareemeen, laakiin Dhuxul aanu dareemin, inaanu magacii Madaxwaynahaba ku qorin War-murtiyeedka uu sii daayay! Saw shil dhacay maaha? Saw wiilashu ma shaqo xuma? Ma iykaa shaqo xun, mise nidaamka oo dhan baa isla xun? Waa su’aal kale oo aanan maanta doodeeda halkan ugu galaynin ee kobtaas ha iska joogto iyadu.

Warkii 12 ka qodob ahaa iyo shirkii dawladu fooda isku dartay ku laabo! Hadaad hal mar na ha ahaatee qoraalka akhridid, waxad judhiiba foodda ku dhufan iyadoo la isticmaalaayo ereyga ah, “Waxa la isla qaatay…” oo qodobada badankooda lagu bilaabaayo. Kalmadda ah – ‘waxa la isla qaatay’, waxay muujinaysaa uun hal micne, micnahaasina waa in hadda uun la isla qaatay qodobka laga hadlaayo ee ay kalmadaasi ku jirto, horeyna wax la isula qaatay aanu u ahayn. Tusaale ahaan, wuxu bayaanku leeyahay: “Waxa la isla qaatay in lala diriro argagixisada, budhcad badeeda… iwm” horey miyaan kuwaas la isula qaadanin? Maxaa loo leeyahay waxa la isla qaatay? Ma waxay u jeedaan shirku wuxu sii adkeeyay mawqifkii guunka ahaa ee la dirirka shuftada dhulka iyo midda badaha? Saw labadaasi ma kala duwana? Waxa hadda la isla qaataa saw wax aan horey la isula qaadanin maaha? Waxay ku hadleen iyo waxay u jeedaan baa is khilaafsan, amaba, waxay qorayaan may ka fiirsanin.

Sida caadiga ah marka ay dawladuhu war sii daynayaan, waxa caadi ah in si aan caadi ahayn looga fiirsado, la falanqeeyo, erey kastana la hubiyo micnaha uu qaadan karo, ama laga qaadan karo. Wacxa caadi ah in marar badan tifaftir dhinac walba ah lagu sameeyo si loo hufo. Laakiin warkan aradan xataa higaada kalmadaha looma miidaan dayin, micnahana hadalkiisba dhaaf. Waxadba moodaysaa in qof baabuur ka tagayaa qoraalka dagdag ku sameeyay oo aan la helinba fursad dib loogu eego. Warku, siday Soomaalidu ku maahmaahdo, intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay. Taasi waa dhab, maxaa yeelay, goorta uu warku suuqa galo ma soo celin kartid.  Shaki la’aan qoraalkani tilmaan qoraal dawladeed ma lahayn, umana ekayn. Iyaba waa tabaalada aduun taynu aragnaaye, tu kalaa jirtee taasna bal aan eego. Aan horey u socdo, oo dhoobadu kobtii ay fadhiday u dhaadhaco. Bal hadda akhriste ila hubi. Qodob kasta waan soo qaadan, faalo kooban oo muujinaysa wixii ka qaldanna waan raacin. Bal ku eeg indho iyo qalbi furan, dabeeto su’aal ama su’aalo is waydii intaad dib u fadhiisato. Ha noqonin kuwii uu Ilaahay ha u naxariistee Ibraahin-gadhle ku lahaa, “Maskaxdaadu yay noqon, maqal lagula leeyahay, sida macawisaha qaar, ninba maalin yuu xidhan.”

– Warkii shirka dawlada:

1A. “Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.”

1B. Hor iyo horaanba, shilka koobaad wuxu yahay, in xukuumada 27 ka bilood (2 sano iyo 3 bilood) jirtay ay manta uun markii ugu horaysay qiimayn isugu timaado! Shilka kale wuxu yahay, inay xukuumadu is qiimayso, oo qiimaynteeda ay iyadu xaakim, dacwad ooge iyo xeerbeegti ba ka noqoto. Sida caadiga ah, xukuumaduhu marka ay dhab ka tahay, gudi qaran oo madax banaan bay saaraan si loo qiimeeyo waxqabadkooda qalad iyo saxba, amaba, hadii uu jiro baarlamaan dhab ah, (Dabcan maaha ka Somaliland ee maanta), iyaga ayaa baadhitaan qiimayn ah sameeya. Sidaas darted qiimaynta xukuumada ee wada ubaxa iyo ilayska ahi sax maaha, aasaas sax ahna kuma fadhido. Sidoo kale, shilka kale wuxu yahay, isla qodobkan  koobaad ee warbixinta sida lagu sheegay, inay qiimaynta xukuumadu wadanka ilaa heer degmo-degmo iyo tuulo-tuulo u gaadhay! Taasi dhab miyaa? Waxa uun dhab u qaadan kara warkaas ninkii soo qoray ee beenta soo abaabulay, qof nacas ah, waliba nacasnimo wayn, iyo qof qabyaaladi maskaxda daloolisay oo aan waxba qiimayn Karin, amaba inuu qiimeeyo aan doonaynin. Dawladu wadanka miyay tuulo-tuulo u tagtay si ay u soo qiimayso? Dawladu miyay tuulooyinka wadanka magacyadooda iyo meelaha ay ku yaaliin taqaanaa horta bal qiimayni ha siiba joogtee? Ma dadka warkan loo soo saaraayo ayaa wada doqomo ah oo aan hal daqiiqad ah wax is waydiinin, mise kuwa soo saaray baa doqomo ah? Bal adba!

2A. “Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.!”

2B. Qodobkani waa midka xambaarsan shilka ugu wayn! Shirku wuxu isla qaatay… Muxuu isla qaatay? In boqolkii todobaatan la fuliyay qorshihii dawlada ee shanta sanno! Cajiib! Oo hadii qorshihii shanta sanno loogu talagalay wax ka yar laba sanno iyo nus lagu fuliyay, saw sodonka hadhayna, marka laga qiyaas qaato xawaaraha imika, lix bilood lagu dhamayn mayo? Saw markaana, dawladii bilaa qorshe noqon mayso ilayn waa fariid oo hawshii oo dhan ba wax sadex sanno ka yar bay ku dhamaysay? Saw markaasna, dee sax maaha inay dawlada iyo madaxwaynuhuba xafiiska iskaga soo dareeraan oo doorashooyin la soo hor mariyay ku dhawaaqaan! Sidaas buu caqliga saxda ahi sheegayaa! Dawladu dhinacaasba may ka eegin ee boqolkiiba todobaatan uun bay iska caashaqday! Dawladu marka hore qorshe miyay lahayd? Hadiiba ay lahayd, qorshahaasi aan waxqabadka hadda ku dhererinee mee? Qiimayntan heerka sare ah (Extremely over achievement) waraaqaheedii maye? Maxaa dadwaynaha loola wadaagi waayay qoraaladii barnaamijka dawlada tusinaayay, qoraaladii qiimaynta, natiijadii boqolkiiba todobaatanka ahayd iyo boqolkii sodonka dhimanba? Hawlgalka qiimaynta ah, ee wadanka degmo ilaa tuulo lagu gaadhay hadmaa la bilaabay, hadmaa la dhameeyay, yaa se hogaaminaayay hawshaas? Taloow se sodonkaas dawladu ay ka gaadhsiin wayday maxay yihiin? Boqolkiiba todobaatanka qabsoomay se miyay ku jirtaa wadada aqalka madaxwaynaha hortiisa marta ee magaalada ugu burburka badani? Ma ku jiraa cisbitaalka guunka ah ee aqalka Madaxwaynaha oodda uuni u kala rogantahay? Miyay ku jiraan dadwaynaha caasimadda ee biyo la’aantu ragaadisay? Miyay ku jiraan…? Miyay ku jiraan…? Shil baa dhacay saw maaha?

– Durba guulihiisii.

– Deg deg buu u wada maray.

– Erey beena kuma darin. (Hadraawi)

LA SOCO QAYBO KALE OO XIISO BADAN……………………………….. 

Maxamed Haaruun

Email: mbiixi@gmail.com