Xog-warran lala yeeshay iyo Xaaladda Caafimaad ee Abwaan AFGUDHIYE oo Xannuun haleelay muddo u jiifay Cusbitaalka Borama

afgudhiyeAbwaan Axmed Siciid Af-gudhiye oo ka mid ah Abwaannada sida weyn looga yaqaanno deegaannada Soomaalidu degto gaar ahaan Dalalka Jabuuti iyo Somaliland, si weynna uga qayb-qaatay Hal-abuurnimada Fanka Casriga ah ee Xilligan, ayaa muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama. Waxa Abwaanka xog-warran kooban la yeeshay Weriye Cumar Seerbiya oo ku booqday Cusbitaalka Guud.