XOG-RASMI AH: Shirkaddii Shidaalka Ee Deegaanka Nabaad-guurisey Halkey Ku Dambeysey? Qalinkii :Liibaan Xaaji Fagadhe

HADAAN GUGII KUU KORDHAA
GABOW MOOYEE KU TARIN
GARAAD IYO WAAYO ARAG
ILEYN WAX MA DHAANTID GEED
( Maansadii GURMAD ee Abwaan Gaariye).
Qalinka qoraalkiisu ma istaago ilaa uu khadku ka dhamaado inta Qarankan iyo Shacbiga alle udireyna Tallo iyo Tusaaleynba way wadayaane miyeynu Akhriste isba waydiin maalintii Shaley  Maxaa inoo baaqi ahaa oo aynu iswayiiney bal tan Bari ha inoo joogta’e oo Eebe inagusimo’e aynu dhameyno wixii hore.
Baadi-doonka ilo-dhaqaale iyo kheyraadka dalka oo laga faa’idaysto, waa masuuliyad saaran cidda markaas xilka iyo hoggaaminta talada dalka haysa, ha ku guulaysato ama ha ku fashilantee. Muwaadinkana waxa ku waajib ah inuu taageero kuna garab-joogsado guusha laga kasbado tallaabo kasta oo waxtarkeedu manaafacaad loo siman yahay oo  horsed u ah bulshada dhammaantood.

Haseyeshee waxa biyo-kama-dhibcaan ah isla markaana sharciga iyo waajibaadku qofka suxufiga ah ka saaran bulshadiisa una  tilmaamaya sixitaanka qaladaadka jira ee diiradda qalinku qabato, balse waxa reebban wax kasta oo cid gaar ah lagu durayo oo ujeeddo xambaarsan.
Waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan akhristaha u soo bandhigo arrin laga yaabo inaad badankiinu tabaysaan, balse mujtamaca intiisa badani laga yaabo inay iskaba illoobeen.
Wali miyeynu is waydiiney  SHIRKADII SHIDAALKA EE DEEGAANKA NABAADGUURISEY HALKEY KU DAMBEYSE?(GENEL ENERGY) Jawaabta Qofkasta isaga ayaa Laabtiisa ku heyta.
Shirkaddii Shidaalka kabaadhaysay dalka ee dabayaaqada sannadkii hore arrimaha ammaan mar-marsiiyaha laynooga dhigay, kana baxday dalka, xukuumaddu ilaa wakhtigan kamay hadal, wallow ay wasiirro ka daba tageen kulamo la yeesheen masuuliyiinta shirkaddaas, kulankaas oo markii dambe suurto-galiyey inuu dalka booqasho ku yimaaddo Ninka ugu Sareeya Shirkadda Genel Energy ee baadhista Shidaal ka wadday gobollada Bari ee dalka.
Bal hada dib aan idiin Xasuusiyo Wasiirka macdanta ee Somaliya Cabdirisaq Cumar Maxamed, isaga oo bishii 10/2013 horaanteedii  ka hadlaya munaasabad lagu soo casumay kambaniyada betrolka oo ka dhacday magaalada London, ayaa waxa u dib ugu yeedhay dhamaan kambaniyadii batrolka ee ka howlgali jiray waddanka Somaaliya wakhtigii ka hooreeyay 1990.
Isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay waxa u ugu yeedhay  Heshiisyada Maamul Goboleedyada. waxa uu intaa ku daray in ay la soo xidhiidhaan dowlada fadaraalka cidii ay dani ka hayso qoditaanka khayraadka dalka.
Aan idinla wadaago, Qoraal ay dawladda Soomaaliya u qortay masuuliyiinta Shirkadaha howlaha baadhista shidaalka ka wada Somaliland, kaas oo ku qornaa luuqadda Afka Ingiriisiga, una dhignaa sidan:
Somalia’s federal government, seeking to reassert control over the war-ravaged country, said oil exploration licenses issued by regional governments in the Somaliland and Puntland regions of country are invalid.
Genel Energy Plc (GENL), Africa Oil Corp. (AOI) and Ophir Energy have won licenses to search in Somalia’s semi-autonomous regions,   “Any contract that was given or awarded by a federal member state is not valid,” National Resources Minister Abdirizak Omar Mohamed said today at a conference in London. Companies holding those licenses “should start negotiations with the federal government.”
Hada lasoco oo wakhtigaa Shirkadii GENEL ENERGY waxay ku gudo jirtay Howlihii ay ka wadey Somaliland markaliya ayuunbaynu maqalney shirkadii way carartey oo Amaan darro iyo waxyaabo aan loojoogin ayey kaga baxdey wadanka laysmaba waydiin maxaa ka jira’e qofkastaa sidaas ayaaba uu isku qanciyey. Waxa usbuucaas uun iyaguna diidey Garoonka hargeysa inay duulimaadyadii sii wadaan Diyaaradii ay Ethopia  soo diryay ,Shacbiga iyo Saxaafaduba waxay sugayeen in arimahan isbiirsadey xukuumaddu ka hadasho markii ay hadasheyna Shacbiga iyo Mucaaridkaa arinta Genel Energy dusha laga Saarey. 11/11/2013 Ayaan soo heley Macluumaadkii saxda ahaa ee markaa jirey oo waxbadan aan idiinku qeexey hadaba macluumaadkaa bal halkan ka bogo

HALKAN GUJI FAAHFAAHIN DHEERAADA

Intaa marka aynu isla soo garaney waxa Safar aan la filayn dalka Turkiga  ku tagay wafti uu horkacayo Madaxweyne Siilaanyo, waa usbuuc ka dib uun markii shirkadan Genel Energy ay dalka ka soo carartey. Madaxweynuhu markii uu ka soo laabtay socdaalkaas, waxa uu inoo sheegey in ay mashaariic ay ku jirto taageerada dhaqaale ee waddada ceerigaabo  ay u ballan-qaadday dawladda Turkigu.
Waxaase xaqiiq ah in ay waftigaa laga dhaadhiciyey in shirkadii GENEL ENERGY   ee shidaalka ay maamulkeeda iyo xidhiidhkeeda la wareegtay dawladda Soomaaliya, arrintaas oo weji-gabax iyo Ceeb ku ah madaxda Qarankeenna oo aan ilaa immika bulshada u sheegin, balse lagu marin-habaabiyey taageerada mashruuc dhaqaalaha ku baxa ilaa immika shacbiga laga ururiyo.
GUN BAA HAAN LAGA UNKAA
DUQBAA GEEL LOO TUBAA
GOWBAAN KA AQAAN DURBAAN
WAXAA GEED LALA KACAA
GANKAAD TAHEY ERER LA DA’A
GAFKANA BASHARBAAD UTAHEE
HADAAD KA GAROWDO QALAD
GOBEY CAADADEEDA TAHEY
WAXAAN GODOBTIISU HADHIN
GAR AAD LEEDAHEY OO UU OGYEY
NINKAAGA MASUUGEY GOLE
 (Murtidii Marxuun Gaariye iyo Maansadii GURMAD).
Qaylo iyo jahwareer ayaa shirkado yaryar oo maalgashi ahaa ay wasaarada macdantu ku dawakhisey waa kuwa ilaa hada isla cakiran ee Wasiirka la Horkeeney  Golaha wakiilada oo iyaguna noqdey meel dadka lagu kala goosto oo shaqadeediiba ilowdey markii waxba leysla fahmiwaayey waxaa lagu balamey in dib uu Wasiirku markale uhoryimaado Golaha. Maxaa intaa hadaba xigey waxaa aan heley xogtii iyo gobo’dii shirkada iyo shaqada uu wasiirka macantu uu hayo ee madaxweyne Siilaanyo na la ogyey ,dhawaan si dhuumasho ah oo aan la ogeyn waxa safar qarsoodiya kuyimi Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta  Xuseen Cali Ducaale magaalada Londn waxaanu kulamo qorshaysan oo qarsoodiya la sameeyey dowlada Somaliya iyagoo kawada hadlaayey in loo fasaxo shirkadii si ay howlihii u bilowdo ilayn waakii madaxweynaheena iyo waftigu usaxeexeen in Kheyraatkeena ay Maamulaan Somaliya e Kaaga sii darane waxa uu arintan ka sameeyey lacag $2 MILLION oo hada utaal Dahabshiil,Inagoo nool ayaa nin walba oo Xil haya iyo Wasiirkastaa isku dayayaa inuu Hanti inagala tago Xaaraan ah balse waxaaney ogeynba in xisaabtii Illaahey ka dambeyso ninkastoo Shacbigaa masaakiinta ah booba Waxyaabha markii aan arintan dabagaley ee iga sii yaabiyeyna ka mid ahaa waxa ay aheyd bal wasiirkan eeg Macanta shaqadiisiiba waxay noqotey inuu Shirkado laga maamulayo Somaliya uu DILAALO.Goorma ayeynu wax wada yeelaney dowladan aynu jaarka nahey ,waxaa haboon hadaynu shacbi nahey inaynu runta aynu quluubteena galino oo aynu bal dib uraacno waxyaabihii hore .
WAXAA GABEY LAGU SAXDAA
CANDHUUFTU GAFTAA DALQADA
MARKUU MIRIDH GUUD KA DHAYO
GOLXOO DHAMI MAAHA DHALAN
MARBAY GED KALEETO TAHEY
DIBNOO GARGARIIRA IYO
GANGADA WAXA KEENTA BEEN
 (Maansadii Gurmad)
Somaliland Qarankeedii qayb qayb ayaa loogu wareejiyey dowlada somaliya waxna umadii ma oga oo maalinba sheeko yar iyo aflaam cusub ayaa kawaanka laynoo saaraa iyadoo tii hore    si aynaan uraacin markaa dee waxaynu iskaba noqoney  noolaha ugu ilowshaa badan wax Eebe abuurey oo Bada ku nool oo la yidhaa GOLD FISH waxa uu wax ku ilaawaa mudo  Hal ilbidhiqsi kaluunkaasi.
Guntii iyo gabagabada, waxaa inoo cad Shacbiyow in la doonayo Qarankii aynu usoo dhimaney ee aynu dhiig,maal iyo dheecaanba u shubney in hoos hoos loo fasaxo oo maalinba inta layna gashankaro laynaga wareejiyo ee bal halagu noqdo oo Xukuumada iyo Madxweynaha hala waydiiyo Xaqiiqda iyo dhabta jirta oo ka daba tagno Halka ay martay SHIRKADII SHIDAALKA EE DEEGAANKA NABAADGUURISEY HALKEY KU DAMBEYSEY.

 

liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

DHAMAAD
GUUL ALLA