Xog-hayaha Xisbiga Udub Ee Gobolka Gabiley Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Warqad Xil ka Qaadis Ahayd Oo Lagu Baahiyey Warbaahinta Qaarkood

Gabiley, (SLpost)- Xoghayaha xafiiska xisbiga Udub ee gobolka Gabiley, Aadan Maxamed Xaaji Aadan, ayaa si adag ugu jawaabay ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga Udub, C/xaliim Maxamed Muuse, ka dib markii ku simahaa Xog-hayuhu ku baahiyey mareegaha wararka qaarkood warqad ay summadeedu ahayd (UDUB/XGK/F-2-1158) kuna taariikhaysnayd (October 1, 2011). Taasi oo uu ku sheegay in uu xilkii xog-hayenimada xisbiga Udub ee gobolka Gabiley ka qaaday ka dib markii uu ku eedeeyey ku-simahu in uu aflagaadooyin u geystay mas’uuliyiin uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin xisbiga Udub. Kuwaasi (wasiiradii hore), oo xog-hayaha xisbiga Udub ee gobolka Gabiley uu hore ugu tilmaamay in ay yihiin mas’uuliyiintii fashiliyey ee burburiyey xisbigooda Udub, kuna sheegay inay ahaayeen shaqaale qaran oo umada u shaqaynayey.

Ku-simaha xog-hayuhu isaga oo hadaladaa xog-hayaha xisbiga Udub ee Gabiley uu u soo jeediyey wasiiro ka tirsanaa xukuumaddii hore ee dawladii  Daahir Rayaale ay ka danbaysay xil ka qaadistiisani. Hase yeeshee uu xog-hayaha xisbiga udub ee gobolka Gabiley uu jawaab adag kaga bixiyey xilka qaadistiisa, isaga oo ku tilmaamay in ku-simahan xog-hayuhu aanu awood u lahayn in uu xilka ka qaado, waxa kale oo uu xog-hayuhu xusay in ku-simahani aanu garanayn meel sharci ahaan uu ku noqon karo xog-haye guud. Maadaama, oo xog-hayaha guud ee xisbiga lagu doorto shirweyne laysugu yimaaddo, isagana (ku-simaha), aanu ahayn mas’uulkii ay u doorteen xog-hayaha guud ee xisbiga, balse uu ku sheegay xog-hayuhu inuu ku sime ku noqday tolnimo iyo qaraabo ahaan.

Xog-hayaha xisbiga Udub ee gobolka Gabiley, Aadan Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu arrintan iyo arrimo kaleba ku soo bandhigay war saxaafadeed qormo ah, oo uu u qaybiyey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, waxaanay u dhignayd qormodu sida tan:

“waxaan doonayaa inaan shacbi weynaha u iftiimiyo, gaar ahaan bah-weyntii Udub, inuu Xisbigu leeyahay xeer-hoosaad iyo nidaam waafaqsan shuruucda dalka u taal. Xeerkaas oo lagu ansixiyey shir-weynihii ugu danbeeyey ee lagu qabto caasimadda Soomaaliland ee Hargeysa, kaasi oo qodob ka mid ah qodobbadiisu uu odhanayo: Xafiisyada Xisbigu uu ku leeyahay Gobollada iyo Degmooyinka dalka Mas’uuliyiintoodu iyaga ayaa is dooranaya, min guddoomiyahooda illaa xubnaha kale ee maamulkooda.

Fadhigii xeerkaa lagu ansixiyey oo lagu doortay hoggaanka xisbiga guddoomiyana loogu doortay Madaxweynihii waqtigaa ee mud Daahir Rayaale Kaahin, halka Guddoomiye ku xigeenna loogu doortay madaxweyne ku xigeenkii waqtigaas, mud Axmed Yuusuf Yaasiin, sidoo kale xog-hayaha guud ee Xisbigana loogu doortay Jaamac Yaasiin Faarax. Shir-weynahaasi laguma dooran guddi fulineed iyo gole dhexe toona. Waxa kaloo xusid mudan in doorashadii ugu danbeysay ee madaxtooyada lagu galay iyada oo xisbiga uu ka dhisan yahay oo keliya maamullada heer gobol iyo heer degmo, oo ahaa intii aynu kor ku soo sheegnay kuwii doortay.

Haddaba waxaan la yaabanahay warqadda xilka qaadista lagu sheegay ee uu ku saxeexna nin sheegtay in uu yahay ku-simaha xoghayaha guud oo aan la garanayn meel uu ka soo dhacay, isaga (ku-simaha), in aan aflagaadeeyey madax Xisbiga ka tirsan.

Malaha waxa uu hilmaansanyahay in ay ahaayeen nimankaasi shaqaale, aniguna kuma ahi Xisbigan (Udub) qariib, ee waxa aan ku soo biiray aniga oo 27 jir ah, kana mid ahaa bud-dhigayaashii xisbiga Udub ee waqtigii Madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, uu u guntaday aasaasitaankiisa, waxaanan fursad u helay xilligaa inaan ka mid noqdo xubnihii ka socday gobollada ee shir-weynihii koowaad ee lagu gardaadinayey Xisbiga. Qofkastaana waxa uu kula midoobayey Xisbiga cududda iyo tamarta ay ka siteen gobollada ay ka soo kala jeedeen.

Waxaan jeclahay inaan dad-weynaha u bayaamiyo in dadka qaar xisbiga u shaqo yimaadeen, dadna ay u shaqaynayeen Xisbiga. Maantuna waxa la doonayaa in ay gurmad soo galaan dadkii xisbinnimada ku shaqaynayey ee tamarta badani kaga baxday ee aan ka shaqaysanayn, inay xisbigii u soo jeestaan, kana ilaaliyaan dadkii guul-darrada ugu wacnaa. Iyada oo aynu wada ogsoonahay in imika la fasaxay furashadii ururrada oo tartan bilow ah la galayo, ay maantana soo fadallo cadyihiin raggaasi (wasiiradii hore), doonayaanna in mar labaad ay guul-darro ku ridaan, iyaga (wasiiradii hore) oo wata hab-dhaqankii ay ummadu kaga didday shalay markay ahaayeen wasiirrada.

Ninka ku-simaha sheeganayana waxan leeyahay: malaha dhawaan ayaad ku soo biirtay Xisbiga e, Xisbiga Udub waxa uu ku soo caano-maalay oo haybaddiisa iyo sharaftiisu ay ahayd, isla markaana ka madhnayd kooxaysi, reernimo iyo xigtaysi inta ku jirta xayndaabka Xisbiga, waxana ay haybtooda keliya ay ahayd magaca guud ee Xisbiga Udub,waxaanan u soo jeedin lahaa in uu dib u akhriyo xeerarka Xisbiga. Qodobbadiisa 18aad, ee ka hadlaya awoodaha xulashada xubnaha guddida fulinta ee gobolka. Qodobka 20aad oo isna ka hadlaya dhismaha heer Degmo, firqadiisa 1aad.

Somalilandpost.net

C/risaaq Axmed Hayaan

Gabiley, Somaliland