Xisbullah oo Gantaalo Ku Garaacday Dhulka Ay Israail Maamusho

Lubnaan(SLpost)-Xisbullah ayaa Axadii shalay madaafiic ku tuuray waqooyiga dhulka ay Isra’iil maamusho, arrintaasi oo ay ciidamada Isra’iil kaga jawaabeen madaafiic ay ku tuureen dhanka koonfurta dalka Lubnaan.

Weli lama sheegin cid wax ku noqotay duqeynta ay is-dhaafadeen labada dhinac, walow ay dad badan guryahooda ka carareen magaalooyinka Shlomi iyo Nahariya ee ka tirsan dhulka Isra’iil maamusho.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen kooxda Xisbullah iyo kooxda Falastiiniga ah ee PLF oo sheegay inay weerarkaasi uga jawaabayeen duqeyn ay diyaaradaha Isra’iil habeenkii Sabtida ku dileen hogaamiye ka tirsan kooxda Xisbullah oo ku sugnaa wadanka Siiriya.

Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa habeenimadii Sabtida duqeyn la beegsaday Daar ku taal duleedka magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya, halkaasi oo uu ku sugnaa hogaamiyaha Samir Kantar oo ka tirsanaa kooxda Xisbullah. Samir Kantar oo u dhashay dalka Falastiin ayaa ka tirsanaa Kooxaha u dhaq dhaqaaqa Xoriyada Falastiin waxaana lagu xiray Isra’iil sanadkii 1979kii, kadib markii uu weerar ka geystay dhulka Isra’iil maamusho, wuxuuna muddo 29 sano ah kusoo jiray xabsiga Isra’iil, ninkan ayaa lasoo siidaayey sanadkii 2008 markii ay maxaabiista isdhaafsadeen kooxda Xisbullah iyo Isra’iil.

Kantar ayaa markaasi ku biiray kooxda Xisbullah, wuxuuna kamid noqday Saraakiisha sar sare ee Kooxda Xisbullah ee gacanta siinayey xukuumada Siiriya ee Bashaar Al Assad.