“Xisbiyadii la doonayey in Dhibaatada lagaga Baxo, waxay noqdeen Nafaqada lagu waraabiyo Qabyaallada”- Xildhibaan Buubaa

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in Xisbiyada siyaasaddu ka baydheen ujeeddadii loo sameeyey ee ku salaysnayd in nidaamka Beelaha iyo qabyaaladda lagu beddelo hannaan dimuqraaddi ah oo dadweynuhu madaxdooda u doortaan.

Xildhibaanka oo hadal ka jeediyey shir lagaga hadlayey nidaamka Maamul ee Xisbiyada Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Xisbiyada siyaasaddu isu beddleen kuwo dhiirri-geliya Qabyaaladda, taasina ay fashilaad ku tahay hannaankii dimuqraadiyada ahaa ee Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Xildhibaanka