Xisbiyadii Kulmiye iyo UDUB waxay u Xuubsiibteen inay kala Metelaan Labada Xsibi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Maraykanka

Tan iyo wixii ka danbeeyey markii uu xisbiga Kulmiye ku guulaystay talada dalka Somaliland, waxa dhacaysay in la is barbardhigo hababkii maamul iyo go’aansho qaadasho ee xisbigii hore  wadanka uga talin jiray ee UDUB iyo xisbiga kulmiye ee hadda talada haya. Waxaan u malaynayaa in aanay deg deg ahayn in la is barbar dhigo maadaama oo aynu labadan xisbi qaran aynu mudo la macaamilnay.

Maqaalkan oo aan doonayo in aan ku daahfurno sida labadan xisbi ee wadanka ugu waaweyni ay u shabahayaan labada xisbi ee maraykanka ugu waaweyn ee Dimuqraadiga fur furan iyo Jamhuuriga qunyar socodka ah .

Inta aynaan u galin sida ay labadan xisbi ee Somaliland u matalayaan kuwa maraykanka, waxaynu isku dayaynaa in aynu wax ka ogaano waxa ay ku kala duwan yihiin xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Maraykanka.

Labada xisbi ee Maraykanka ayaa ah kuwo mabda’ ahaan isku mid ah oo ka midaysan ilaalinta iyo difaaca dalka Maraykanka iyo danihiisa. Labadan xisbi ayaa ku kala aragti duwan istiraajiyadii lagu gaadhi lahaa danahaas biyo kama dhibcaanka ah ee aynu kor kusoo sheegnay. Xisbiga Jamhuuriga ayaa ah mid ku dhaqma siyaasad qunyar socodnimo ah , taaso oo macnaheedu tahay in aanay jamhuuriyiintu ku deg degin waxa loo yaqaan isbadalka iyo xaaladaha cusub, iyaga oo ka baqo qaba in khatar ay gacmahooda ku doonteen kaga soo bixi karto. Waxa hal ku dheg u ah “Xaalad u cusub oo aan la saadaalin karayn natiijadeeda , waxa ka fiican xaalad hore u jirtay oo aan khatar lahayn ama la garanayo khatarteeda iyo sida loo maareeyo”. Dimuqraadiyiinta ayaa sidaas si kasoo horjeeda aaminsan siyaasad aad u furfuran oo jar iska xoornimo ah. Waxay aad u jecel yihiin Isbadalka iyo xaaladaha cusub, iyaga oo abaara meelaha ay jamhuuriyiintu ugu baqdinta badan yihiin. Khudbadii Barack Obama ka jeediyey Jaamacada Azhar ee dalka masar ayaa ahayd mid muujinaysa furfurnaanta Dimuqraadiyiinta , iyadoo sidaas si kasoo horjeeda aanay suurto gal ka ahayn G. W.  Bush inuu halkaas tago iyaga oo sas ka qaba goobaha diiniga ah ee islaamka awgeed.

Jamhuuriyiint ayaa waxay aaminsan yihiin in si loo gaadho danaha maraykanka, ay haboon tahay in Maraykanku qaado talaabo u keli ku yahay oo lagu weeraro cadow uu maraykanku leeyahay, xaga ay qolada Dimuqraadigu ka aaminsan yihiin in hawlaha waaweyn iyo weerarada maraykanku ku qaadayo dalal kale ay haboon tahay in taageero looga helo dawladaha adduunka iyo ururada caalamiga ah.

Dimuqraadiyiintu waxay aaminsan yihiin in kor loo qaado mushaharka ugu yare e shaqaalaha, xaga ay taasi kasoo horjeedaan jamhuuriyiintu , iyaga oo aaminsan in haddii kor loo qaado mushaharka ugu yare e shaqaalaha ay shirkadaha iyo hay’adaha dawladu shaqaale dhimis samayn doonaan dad badanina ay camal waayi doonaan oo dhaqaalaha wadanku hoos u dhici doono.

Haddaba iyada oo ay aad u badan yihiin waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiinta Maraykanku oo ayna suurto gal inoo ahayn in aynu halkan kusoo wada qorno aynu isku dayno sida Kulmiye iyo UDUB u kala matalayaa Dimuraadi iyo Jamhuuri.

Waxa marka hore xusid mudan in labadan is xisbi ee Somaliland ay ka siman yihiin mabaa’dida guud ee ku saabsan qaranimada Somalialnd. Waxaad moodaa in xisbiga UDUB u sansaan eeg yahay xisbiga Jamhuuriyiinta qunyar socodka ah halka uu xisbiga Kulmiye ka shabahayo xisbiga Dimuqraadiyiinta furfuran ee isbadal doonka ah. Waxa run ah in uu xisbiga kulmiye uu faraha la galay waxyaabo badan oo  ay ka baqan jireen xisbigii UDUB iyo dad badan oo reer Somaliland ahi.

Waxa la wada ogyahay in xisbiga kulmiye ay siyaasadii arimaha dibadda ee Somaliland ay wax weyn ka badaleen , iyaga oo ka qayb galay markii ugu horaysay  taariikhada Somaliland shirarka lagaga arinsanyo dhinacyada isku haya dalkii la isku odhan jiray soomaaliya. Arintan ayaa ahayd mid aan qorshaha ugu jirin xisbiga UDUB iminka oo ay mucaarid yihiina ayna ogolayn.

Xisbiga Kulmiye waxa uu isbadal ku sameeyey siyaasadii waxbarashada ee Somalialnd oo markii ugu horaysay taariikhda Somaliland uu ka dhigay waxbarashada hoose-dhexe mid bilaa lacag ah, arintaasi oo ay xisbiga UDUB aad iyo aad uga baqi jireen inay ku noqoto tusbax furtay oo dugsiyada sare iyo Jaamacaduhu mudaharaadi doonaan si ay u helaan waxbarasho bilaash ah.

Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu isbadal ku sameeyey mushaharka shaqaalaha dawlada iyaga oo kor u qaaday mushaharkii caadiga ahaa. Xisbigii hore ee talada hayay Masuuliyiintiisii ayaa ka dhego adaygay inay mushaharka shaqaalaha dawliga ah kordhiyaan.

Meelaha xasaasiga ah ee UDUB iyo dad badan oo reer Somaliland  ka baqan jireen wax ka badalkeeda ayaa ahayd daabacada noodhadh cusub oo lacag ah oo qiimeyaal kala duwan leh. Xisbiga UDUB oo mudo dheer wadanka ka taliyey ayaa u arkay haddii wax ka badal lagu sameeyo lacagta Somaliland in dhaqaaluhu khalkhali doono isla mar ahaantaasna la daadin doono lacagta iminka la isticmaalo sidii horayba loogu daadiyey lacagtii ka yarayd 50-ka shilling.

Waxaad Moodaa in xisbiga kulmiye ka xulafaysi badan yahay xisbigii hore ee UDUB, iyada oo madaxweyne siilaanyo caan ku yahay in arimaha xasaasiga ah  uu u saaro Gudi madaxbanaan. Xisbiga kulmiye ayaa aad iskaga ilaaliya go’aan uu keli ku yahay.

Waxa xusid mudan in shirka ka dhacaya magaalada London ee carriga ingiriiska bisha February 23, 2012 uu xisbiga kulmiye rabo in uu ka qayb galo isaga oo taageero uga raadinaya saddexda xisbi qaran, golayaasha qaranka, indheergaradka iyo aqoonyahanada.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ahna ku sii simaha Gudoomiya xisbiga ayaa si xun u daadafeeyey  shirka London , arintaas oo ay caan ku ahaayeen dadka aaminsan afkaarta xisbiga UDUB.

Waxa kale oo xusid mudan in shirka taleex uu ku qabsoomay  furfurnaan ka timid xisbiga talada haya ee Kulmiye. Xalinta khilaafka ka dhashay shirka taleex ayaa madaxweynuhu u marayaa xulufo badan sida taageerada xisbiyada qaranka , mudaharaado balbalaadhan oo magaalooyinka iyo tuulooyinka laga sameeyo iyo in lagala hadlo arinta bariga ka soo cusboonaatay u qaybsanaha qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somalia. Waxa run ah in xisbiga UDUB aanu ogolaan jirin shirarka ay qabanayaan shakhsiyaadka somalilandnimodooda laga shakisan yahay iyaga oo ka baqayey inay soo saaraan wax nabada wax u dhimi kara.

Haddaba akhirstow miyaan la odhan Karin xisbigii kulmiye wuxuu u xuubsiibtay in u matalo xisbigii Dimuqraadiyiinta furfuran  ee Maraykanka  halka xisbiga UDUB ka shabahayo xisbiga Jamhuuriyiinta qunyar socodka ah ee Maraykanka.

Qasim Jama Hirsi

Hargeisa Somaliland

qasimjama@hotmail.com