“Xisbiyada Waxaanu U Fidinaynaa Gogol Wada-hadal Oo Aanu Kaga Xaajoono Khilaafka Muddo-kordhintu Sababtay” Saylici

Hargeysa, (SLPost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inay wada-hadal la galayaan axsaabta mucaaradka ah, isla markaana ay ka wada xaajoon doonaan arrimaha doorashooyinka sidii xal loo gaadhi lahaa.Saylici2Cabdiraxmaan Saylici oo maanta warbaahinta kula hadlay qasriga madaxtooyada ayaa shaaciyay in xukuumadda talada haysaa ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho madaxda xisbiyada Somaliland, six al waara looga gaadho arrimaha khilaafka dhaliyay ee muddo kordhintii ay guurtidu samaysay in doorashooyinkaba.

Madaxweyne ku-ku-xigeenka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Haddaynu reer Somaliland nahay waxa inoo caado ah mar walba oo khilaaf yimaado inaynu wexeena dhamaysano, waxaan halkan ka iclaaminayaa in khiaafkaas siyaasiga ah ee ka abuurmay doorashooyinka iyo muddo kordhinta anigoo ku hadlaya afka xukuumadda iyo xisbigaba inaanu fidinayno gogol wada-hadal, marka aynu ka gudubno u diyaar-garawga iyo dabaal-dega sannad guurada 24-aad ee 18-ka May, waxaanu halkan ka cadeynaynaa ummadda reer Somaliland-na u sheegaynaa, gaar ahaan axsaabta qaranka inaanu fidinayno gogol wada-hadal ah oo aanu ka wada hadli doono khilaafka siyaasiga ah ee dhashay, iyadoo runtii golaha guurtidu uu yahay hay’adda dastuuriga ah ee dalka ugu sareysa go’aanka ay gaadhaanna waa go’aan awooddooda ay ku gaadhaan oo aanay cidna la wadaagayn, laakiin haddana mar iyada oo isku ujeedo loo wada socdo ay komishanku doorashooyinkuna waqti soo jeediyeen, xisbiyada qarankuna waqtis soo jeediyeen, guurtida oo go’aanka ugu dambeeya lahaana ay waqti soo jeediyeen, waqtigaas oo aan ka fogayn waqtigii ay soo jeediyeen axsaabta qaranku.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa cayimay waqtiga ay u qoondeeyeen inay axsaabta qaranka kala xaajoodaan khilaafaadka iyo is-maandhaafka siyaasaddeed ee uu sababay waqtiga ay guurtidu cayintay, waxaanu yidhi.  “Sidaa darteed khilaafka ka dhashay waxaanu diyaar u nahay in 20-ka bishan May, marka labada maalmood ee dabaal-degu ay inaga dhamaadaan inaanu u furi doono wada-hadal xisbiyada qaranka.”

Somalilandpost.net