“Xisbiyada Waxaan Leeyahay Waar Sidaad U Tartantaan Bay, Hawshu U Wanaagsanaanaysaa” Cabdiraxmaan Aw Cali

Hargeysa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland u soo jeediyay in marka la gaadho Ololaha Doorashooyinka laga wada shaqeeyo sidii Hawshu ugu socon lahayd Hufnaan, si loo baajiyo Khilaaf horseedi kara Amni-daro.

 

cabdiraxmaan-aw-cali-faarax-1

 

Md. Cabdiraxmaan Aw Cali oo khudbad ka jeediyay kulan lagu darsayay arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi  “Waxa Wanaagsan in laga hor-tago Waxyaabaha uu ku imanayo Khilaafku. Xilkaasi dadka reer Somaliland oo dhan buu saaran yahay, waxaana loo baahan yahay inay Doorashooyinka si hufan u fahmaan, inay Ololelayaasha si aan Turxaan lahayn oo aan Xanaf lahayn u tartamaan. Masuuliyadda ugu weyn ee arrintaasi waxay saarmaysaa (fuuleysaa) Madaxweynaha jooga ee doorashadu dhaceyso inta uu joogo, Masuuliyaddu waxay sii saarmaysaa Xukuumaddiisa, Masuuliyaddu waxay saarmaysaa Xisbul-xaakimka jooga ee isagoo jooga ay doorashadu dhaceyso. ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inuu ku asturo, Waayo? Waa Hawl Taariikhda u galeysa oo u suntamaysa.”

 

 

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu dardaaran u jeediyay Xisbiyada Qaranka ee ku tartamaya Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka Somaliland, “Xisbiyada waxaan leeyahay waar Sidaad u tartantaan bay Hawshu u wanaagsanaanaysaa, khilaafku wuxuu u yaraanayaa sidaad hadba hawsha u gashaan, ololaha u gashaan, in Ololuhu noqdo Mid hufan oo aan Qabyaalad iyo Xanaf lahayn, Dadkana loo tuso inay yihiin Dad Walaalo ah oo meel u wada socda, oo aan la eegin Madaxnimada uun, markaa Xisbiyada waxaan leeyahay Waar Jewiga aad Abuurtaan iyo sidaad Dadkiina u wacyi-gelisaan ayay ku xidhnaanayaan Doorashooyinka Dalkan ka dhici doonta Haddii Alle yidhaahdo.”

 

 

Somalilandpost.net