Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo ka hadlay Qaraar Maxkamadda Sare ka soo saartay Natiijadii Doorashada Madaxtooyada

Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo ka hadlay Qaraar Maxkamadda Sare ka soo saartay Natiijadii Doorashada MadaxtooyadaHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo Xisbiga talada dalka ku guulaystay ee Kulmiye, ayaa soo dhaweeyay qaraar ay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ka soo saartay natiijada doorashadii madaxtooyada ee 13-kii bishan ka qabsoontay dalka.

Qaraarka Maxkamaddu ka soo saartay natiijada doorashada oo guddiga Doorashooyinku hore ugu dhawaaqeen si ku-meel-gaadh ah, ayaa maxkamaddu si rasmi ah ugu ansixisay natiijadii hore loo shaaciyey iyadoo maxkamaddu tixraacaysa qodobbo dastuuri ah iyo dokumentiyo loo gudbiyey.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo 21-kii bishan ku dhawaaqay natiijada ku-meel-gaadhka ah ee doorashada, waxa codadkii la dhibtay 55% ku guulaystay Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo madax-weyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddiga Doorashooyinka, ayaa todobaadkan u gudbiyey natiijada doorashada ee ay hor-dhaceeda shaaciyeen, waxaanu go’aanka ay maxkamadda sare maanta ku shaaciyey natiijada doorashada ka dhigaysa mid Sharciyaysan oo xalaaleynaysa Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo muddo-xileedkooda 5ta sanno ka bilaabmayso maanta.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net