Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Rejo Fiican ka muujiyey Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa ka-wada hadlay doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo dabayaaqada sannadka dambe inay ka qabsoomaan dalka, waxaanay si gaar ah uga wada-hadleen diiwaan-gelin tijaabo oo laga fuliyey dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku kama hadal ujeeddada kulanka ay isugu yeedheen Madaxda Xisbiyada qaranka, haseyeeshee masuuliyiinta axsaabta qaranka oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaabinta, ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey natiijada warbixin guddigu ka soo saareen diiwaangelin tijaabo ah oo bishii lixaad ee sannadkan laga qabtay laba goobood oo ka mid ah gobollada Awdal iyo Gabiley, taas oo ay sheegeen in lagu guulaystay isla markaana wakhtigan lagu gudo-jiro diyaar-garowga sidii wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan bisha sagaalaad ee sannadkan dalka looga qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.

HALKAN KA DAAWO