Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay Natiijada kulan Madaxweynaha Dhexmaray oo Is-afgaran-waa ku dhammaaday

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa sheegay inuu natiijo la’aan aan laysku af-garan ku soo dhammaaday kulan maanta loo ballansanaa oo madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka maanta dhexmaray Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynaha, ayaa loogu ballansanaa in lagu fuliyo qodobbo soo jeedin ah oo lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey labada dhinac, kuwas oo uu ka mid ahaa sidii loo kala diri lahaa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Cusub ee dhawaan la magacaabay oo bud-dhig u ahaa khilaafkaas.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu weheliyo dhiggiisa xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo madaxda labada xisbi mucaarad oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa kaddib kulanka madaxweynaha dhexmaray, waxa uu sheegay in madaxweynuhu u sheegay inaanu awood lahayn kala dirista Guddiga Doorashooyinka isla markaana aanu jirin sharci u fasaxa ama awood u siinaya fulinta qodobkaas.

Haddaba Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalkan Hoose