Xisbiyada Mucaaradka oo Qaadacay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee La Ansixiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Labada xisbi Mucaarid ee UCID iyo Waddani ayaa ayaa sheegay in aanay marna ogolayn gudidaasi cusub ee doorashooyinka Somaliland, maadaama oo ay ku jiraan labada xubnood oo ay diidan yihiin.

Labada Xisbi Mucaarid ayaa soo jeediyey in tallo qaran la isugu yimaado oo talo qaran laga yeesho arintan.

“Waxa ay labada xisbi qaaadaceen wada shaqaynta xubnaha lagu sheegay komishanka ee lagu keenay sifadda juujubka ah kaas oo loo maray dariiq sharcig baalmarsan. 

Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaalada uu dalkuu marayo oo masiirkiisu ummadu uu gabi ka laadaado.”ayuu lagu yidhi qoraal ka soo baxay labada xisbi mucaarid oo ay ku diidan yihiin xubnahaasi guddida doorashooyinka ee maanta golaha Wakiiladu ay ansixiyeen.