Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo wada-hadal ku xalinaya khilaafka ka taagan Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa ku heshiiyey inay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka ka aloosan diiwaangelinta Madani ah oo labada xisbi ee Waddani iyo UCID dhowaan qaaddaceen, ka dib markii ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ka baxday heshiis beesha caalamku goob-joog ka ahayd oo lagu go’aamiyey hirgelinta labada diiwaangelinood ee Codbixiyeyaasha iyo Muwaadiniinta.

Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo wada-hadal ku xalinaya khilaafka ka taagan Diiwaangelinta Madaniga ahMasuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka oo maanta warfidiyeennada kula hadlay Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka ahi si wada jir ah uga wada-hadli doonaan dhammeystirka Khilaafka Diiwaangelinta Madaniga ka taagan.

Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo sharraxaad ka bixiyey wada-hadallada u furmaya Xukuumadda, waxaana hadalladii ka mid ahaa, “Waxaanu halkan iskugu nimid inaanu caddayno in labada Xisbi Mucaarad iyo xubno ka mid ah Wasiiradu oo wasiirka Arimaha gudaha iyo wasiirka Madaxtooyada ay noo socdeen wada-hadal oo aanu ka wada hadlaynay sidii qodobo ka mid ah Xeerarka Diiwaangalinta loo samayn lahaa Is-fahan guud, imikana Insha Allah waxaanu kulmi doonaa Bari,” ayuu yidhi Xoghaye Qodax oo intaas ku daray in wada-hadallada ay la fureen xukuumaddu aanay waxba ka beddelin go’aankii hore ay ugu qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah ilaa ay xukuumaddu isku af-garanayaan xalka khilaafka taagan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa guul ku tilmaamay wada-hadalka u bilawday labada dhinac, isagoo turxaan bixinta arrimaha jirana ku sifeeyey mid dalka u horseedi karta Doorasho lagu wada qanacsan yahay,

“Si dalka ay uga qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah islamarkaana aan loo carqaladayn Diwaangalinnaha, waxaanu isla qaadanay in xal laga gaadho oo Xisbiyada iyo xukumadda oo isku dhan ay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan,” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Uurcadde.

Heshiiska ku saabsan wada-hadalka dib-u-eegis lagu sameeyo Xeerka diwaangalinta Madaniga ah oo xisbiyada Mucaaradku ka biyo-diideen qaabka ay xukuumaddu u waddo inay dalka uga qabato oo ay ku tilmaameen mid aan ku jirin heshiis hore u dhexmaray, ayaa ka dambeeyay kulan dhexmaray Hogaanka labada Xisbi mucaarad iyo Wasiirarada Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada oo Xukumadda metalayay, haseyeeshee ma jiro natiijo ka soo baxday kulankaas marka laga reebo in Berri loo ballansan yahay guda-galka in la naaqisho qodobbada xeerka ku jira ee is-fahan la’aantu ka taagan tahay.

HALKAN KA DAAWO WARAN OO MUUQAAL AH