Xisbiyada Mucaaradka ah oo Saluug ka muujiyey Xulidda Ergooyinka Somaliland uga Qayb-gala iyo Siyaasadda laga leeyahay Wada-hadallada Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa saluug ka muujiyey qaabka loo xulo ergada Somaliland uga qayb-gasha wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo siyaasadda Xukuumaddu ka leedahay wada-hadallada oo ay ku sifeeyeen mid mugdi kaga jira umadda.

Xisbiga Waddani oo Xaflad soo-dhawayn ah u sameeyey Taageerayaal Cusub oo ku biiray (DAAWO)Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, waxa ay siyaabo kala duwan uga hadleen isla markaana xukuumadda ku dhaliileen nidaamka loo xulo ergooyinka Somaliland uga qayb-gala wada-hadallada Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey aan laga qayb-galin xisbiyada mucaaradka ah. Iyo sidoo kale siyaasadda Somaliland ka leedahay wada-xaajoodka Soomaaliya oo ay xisbiyadu ku tilmaameen inay ku jiraan arrimo siyaasadeed oo xukuumadda ka qarinayso bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ka qayb-galay munaasibad xisbigoodu ku soo bandhigay murashax shaaciyey inuu u taagan yahay tartanka doorashada Golaha Wakiillada ee sannadka soo socda, ayaa iftiimiyey sida ay xisbi ahaan u saluugsan yihiin xulidda ergooyinka Somaliland uga qayb-gala wada-hadallada, isaga oo tusaale u soo qaatay weftigii madaxweynaha ku wehelinayey wada-hadallada magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay inay ku weheliyeen Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali iyo Wiilka uu madaxweynuhu Soddogga u yahay ee Baashe, waxaanu ku dooday inay ahayd beddelkooda inay raacaan Mujaahidiintii u soo halgantay dalka.

“Waxanau wer-wer weyn ka qabnaa sida loo xulo ergada Shirka (Wada-hadalada) inooga qayb-gasha. Innamada ma socdayna waxay ahaayeen Baashe iyo Xirsi. Dad Xogogaal ah oo Dhiig iyo Dhuuxba u soo huray dalkan. Kuwaa aan sheegayo hadduu ku beddeli lahaa Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo Maxamed Kaahin, anigu waan aqbali lahaa hadduu ku beddelo saddexdaas,” sidaas ayuu yidhi Cali Guray.

Dhinaca Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayey munaasibad xisbigaasi ku qaabilay taageerayaal cusub oo ku biiray, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay caddeyso siyaasadda laga leeyahay wada-hadallada.

“Hala wada-hadlo waa aan heshiinno oo ma diiddanin, laakiin waxaan umadda Somaliland qaban; wefti labaatan qof ka kooban ha tagaan meel oo wada-hadallaanu ka qayb-galaynaa ha yidhaahdaan, madaxweynuhuna waxaan daqiiqad gaadhin haka hadlo, labadaasi maaha laba is-qabanaya.

Waxa looga fadhiyaa xukuumadda, waa Maxay siyaasadda ay Somaliland ka leedahay wada-hadallada? Waxaanu rabnaa iyadoo qoran oo saxeexan, laakiin qadiyadda Somaliland ma mudna umana qalanto inuu marba intuu nin wasiir ahi iska dhoofo, dabadeedna uu madaarka ka soo dego uu ku hadlo wuxuu doono,” Sidaas ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.